Cali Warancadde “Somaliland Marnaba Ma Hor Fadhiisanayso Dad Aan Ku Tilmaami Karo Calooshooda U Shaqaysteyaal..” + Shirkii Turkiga Oo Wali aan Furmin

0
941
Wasiirka Arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde

Istanbul, (HargeisaPress) — Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa sheegay in weftiga Somalia wada hadalada u soo diratay yihiin wax lala yaabo ama lagu qoslo “Waxaa wax lala yaabo ah ama lagu qoslo ah, halkii aynu ka sugaynay inay(Somalia) soo dirtaan dad ama Masuuliyiin wax u goyn kara oo ka soo jeeda dalkii Somalia ee Talyaanigu gumaystay inay soo dirtaan Dad ka soo jeeda Somaliland oo ku abtirsada dadka Bulshada Somaliland u taqaano dad sida umadda reer Somaliland ba dalalka caalamka ugu shaqo tagaan dad iyaguna dalka dariska aynu nahay ee Somalia u shaqo tagay. Lama gilayn loogamana fadhiyin Somalia inay tidhaahdo dad dalkeeda u shaqo tagay ayaa na matalaya, arrintaasi wax la aqbali karo maaha, wax loo dulqaadan karana maaha, Somaliland diyaar uma aha inay hor fadhiisato dadkaasi aan odhan karo waa Calooshooda u shaqaysteyaal” ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka daakhiligu waxa uu sheegay inay Beesha caalamka u sheegayaan in Somalia aanay diyaar u ahayn si labada dhinac si fiican u kala gurtaan. Waxa uu sheegay in Somaliland diyaar u tahay Wada hadalo hufan oo Somaliland la gasho dadka Somalia ka soo jeeda ee Somalia meteli kara.

Wararka Wufuuda Somaliland iyo Somalia

Weftiga Somaliland ayaa go’aansaday inaanu hor fadhiisan Weftiga Somalia oo ay ku jiraan laba Wasiir, Xildhibaan iyo Xubin hore xil uga soo qabatay Somalia oo dhamaantood dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland. arrintaasi ayaa keentay in wada hadaladu maalintii labaad furi laayihiin.

Weftiga Somalia oo arrintan shir muddo saacado ah qaatay Shalay galinkii dambe ka yeeshay islamarkaana maanta la filayay inay mawqifkooda caddeeyaan ayaan wali saxaafadda la hadal balse Xubno xogogaal ah oo BBC-da xog siiyay ayaa sheegay inaanay diyaar u ahayn in weftigooda la kala guro, arrintaasi oo burbur u horseedi karta wada hadalka  labada dhinac

Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Mawqifka Somaliland caddeeyay Axaddii

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay inay arrintan u arkaan in Somalia burburinayso wada hadalada labada dhinac “Dawladda Turkiga iyo Iyagaba(Somalia) waanu u sheegnay in Shirkan dhici doonaa yahay Shir Somaliland iyo Somalia ah oo labada waddan is hor fadhiisanayaan, Somaliland-na aanay marnaba Ogolaanayn in Niman Somaliland u dhashay inay shirka soo fadhiistaan.Markaa waxaanu filaynaa inuu noqdo Shir lagaga wada hadlo waxyaabihii faraha badnaa ee ay fulin waayeen ee ay ka baxeen lagaga wada hadlo” ayuu yidhi Wasiirka Oo BBC-da la hadlay.

Wasiirku waxa uu sii sababeeyay diidmada Somaliland ee Xubno reer Somaliland ah oo Soomaaliweyn u shaqo tagay “Annagu diyaar uma nihin mana Ogolaanayno oo sharciyan, annagu dad Somaliland ka soo jeeda oo Xamar tagay lama fadhiisanayno, Somaliland xuduud cayiman ayay leedahay oo ah dhulkii Ingiriisku haysan jiray, markaa wixii dhulkaas u dhashay ee reer Somaliland ah annagu shirkan la fadhiisan mayno, waxaanu la fadhiisanaynaa dadka ah Dhulkii Talyaanigu haysan jiray ee Somalia la yidhaa haddana aanu doonayno inaanu laba Waddan oo kala gaara oo kala ambabaxa u wada hadalno” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu sheegay in Arrimaha Masiiriga ah ee ajanduhu ahaa arrimo ka horeeya laga wada hadlayo “Arrimaha Masiiriga ah horena miiska way u saarnayd haddana way saaran tahay laakiin, arrimaha ka horeeya ee aanu Xallinayno waxaa ka mid ah awal hore wuxuu Turkigu iskugu kaayo yeedhaa laba wadan oo kala gaar ah oo siman oo labaaas wadan wada hadlaan, wixii hore loogu heshiiyay waxaa ka mid ahaa in wixii Af Xumo ah la iska ilaaliyo laakiin, af xumooyin faro badan ayaa warqad ay soo qoreen ku jirtay arrimahaas baanuna ka wada hadlaynaa”

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here