Cadceedii Qabyaalada Gabiley Oo Gabalkeedii Dhacay.Q3aad. Qallinkii: Naasir Meecaad.

0
1435

Maayarka Magaalada Gabiley Mudane:Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Marka Laga Reebo Dhinaca Wadooyinka Oo uu Wax Yar ka Qabtey, Ma Jirto Wax Wayn Oo Waxqabad ah Oo Lagu Majeerto Oo uu Qabtey.

Saamiga Qayb Libaax;-

Waxan halkan ku soo qaadan Doonnaa inta ugu Muhiimsan Jagooyinka Shaqo ee uu ugu Dagaalamay Inay Qabtaan Reerkoodu horena ay u joogi jireen Reeraha kale ee laga Dhacay.

-Agaasimaha Guud Ee Cisbitaalka Gabiley.

-Agaasimaha Guud Ee Cisbitaalka Qaaxada(TP-da)Gabiley.

-Agaasimaha Wakaaladda Biyaha ee Gabiley.

Iyada Oo ay intaa ka badan yihiin Aan intaa ku koobsano oo aan u galno Qaybaha kale.

Isku-duwayaasha:

Iyadoo Gabiley ay Ka mid tahay Gobolada aan Ansaxa ahayn Oo ay joogaan Isku-duwayaal kooban Oo Matala Wasaaraddaha kala Duwan  Qaarkood bal aan Eegno Inta Qayb Libaax Kali Ku Tahay.

@Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha.

@Isku-duwaha Wasaaradda Arrimaha Bulshadda.

@Isku-duwaha Wasaaradda Qorsheynta.

@Isku-duwaha Wasaaradda Duulista Hawada.

@Iyo badi Waaxyaha ugu Muhiimsan Ee Dawlada Hoose.

Meelaha Maaliyaddu Taalo:

$Gudoomiyaha Baanka Laanta Gabiley.

$Qasnajiga Kastamka Kalabaydh.

$Xisaabiyaha Wasaaradda Maaliyada ee Gobolka.

FG;Halkan Xisaabiyaha Waxaa ku Qornaa Nin Oday ah oo Gobolka Hawd ka soo jeeda,Waxase uu ka Shaqeyn Kari Waayey Cadaadis kaga yimid Xaga Maayarka.Waxaanu Xisaabiyahaasi hadda in Muddo ah Gobolka kaga Maqan yahay Xannuun u Muuqday Inuu kaga Nasanayey Cadaadisyada Saarnaa.Taas bedelkeedii Waxaa Shaqada la Wareegtay Gabadh ay Isku Reer yihiin Maayarka.Waana halka loo socday Taasi.

Waxaa Cad in Cidkasta Oo aanay Maayarka Isku Reer ahayn Cadaadiska lagu hayo si Shaqada Loogala Wareego.

Sida ku dhacday Xisaabiyahaa Wasaaradda Maaliyada iyo Baanka ee Mar horena uu Maayarku Gacanta u Geystay ee uu Feedhay.

Kireynta Guryaha:

Maayar Maxamed-Amiin Maadaama uu yahay Masuulka ugu Sareeya Reerka Waxay Hay’adaha iyo Ururada Maxaliga ah ee ka Hawlgala Gobolku ku Qasban yihiin inay galaan Guryaha Kirada ah ee ay leeyihiin Xigtada Maayarku,Haddii Kale Waxay Waayayaan Wada Shaqeynta Xafiisyada Maamulka ee Heer Degmo iyo Gobol oo hadda Isaga Gacanta ugu jira.

Intan Aan ka hadalnay waa inyar oo ka mida Ficilada Reeraysan ee uu Maayarka Gabiley ku Kacay,balse Waxaa ka badan intaan Iskaga tagey ee ku Yaab galinaya!!!.

Waxaa Nasiib daro ah in Nidaamka Maamul iyo Qabiilku Isku Milmaan, Tani ayaa ah mid Ragaadisey Wixii Horumar iyo Waxqabad lahaa ee la Qaban Lahaa.

Wakhti dhow Waxaa la heli doonnaa in Qabiilka laga baxo,Oo si ILbaxnimo ku dhisan Oo Waxqabad leh lagu Xusho Masuuliyiinta Dawliga ah ee Heer Degmo,Gobol iyo Qaranba.

Fariin:

Haddaba Wixii Maanta Gabiley ka dhacay Wuxuu ahaa Wax Ceeb ku ah Sharciga Iyo Nidaamkaba.

Waxaan Xildhibaanada Mooshinka Wada u soo jeedinayaa inay Hawsha halkaa ka sii Wadaan ilaa inta Cadceedu Godkeedii ay ka galayso kana dhacayso.Kuwa Garab joogana Waxaan leeyahay ku soo biira Xildhibaanada Guusha.

Haddaba Waxaa la Joogaa Gabal dhacii Qabyaalada Gabiley Ka Arrimisa.Waxaana Hadda Inaga Xiga Oo Qudha Inta Kalfadhi Aan Caadi ahayn ay Qabsanayaan Golaha Deegaanka Gabiley.

Waxaan Guul u Rajaynayaa Xildhibaanada Isbedel Doonka ah Ee Degmada Gabiley.

Lasoco………………………………………………….

Naasir Meecaad.

LEAVE A REPLY