Cadceedii Qabyaalada Gabiley Oo Gabalkeedii Dhacay Q2aad. By: Naasir Meecaad.

0
1032

Maayarka Magaalada Gabiley Mudane:Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Marka Laga Reebo Dhinaca Wadooyinka Oo uu Wax Yar ka Qabtey, Ma Jirto Wax Wayn Oo Waxqabad ah Oo Lagu Majeerto Oo uu Qabtey.

ilbaxnimada:

Hudheelkii Cabdi-Dheere Ee Djibouti Hotel (Gudoomiyaha Garabka Habeenka Ee Xisbiga Kulmiye Kaltuun Haaruun Odaygeedii lahaa Alle ha u Naxariiste)Ee ku Yaalay Ka Soo Horjeedka Masjid Jaamaca Wayn Ee Gabiley.Xilli uu Caan ahaa Aadna u Shidnaa Xoogna Looga Cuni jiray Baasto la Daaweeyay Iyo Fadiirad.Ayaa Waxaa Miyiga Ka Yimid Inan Kuray Aad u Wayn ah,Kaasi Oo ka Shaqo bilaabay Hudhaalkaa Isaga Oo ka Noqday Saabaan Maydhe (Weel Xalle).

Haddaba Sida lagu Yaqaano Shaqaale Meel ka Wada Hawlgala,Waxaa Jira Qaar Ka Toocsada Hadba Cida Cusub Ama Ay Meesha Uga Soo Horeeyeen. Waxaynu Halkan ku Faahfaahin Doonnaa Wixii Kuray Xooglahaa [Saaray ]ka yimid Iyo Shaqaalihii kala Qabsaday.

 

Waxaa Jira Hudheelada Kadinka laga Galayo In laga Soo laalaadiyo Daah laba Faraq leh,Oo Marka Aad Sidaa u Eegto Kuula Muuqanaya inuu yahay Surwaal Meesha la Sudhay.Hadda Saaxiibkeen Ciyaala Saaray Wuxuu Shaqaalihii Kale Warsaday Waxa Maradan Ilinka Sudhani ay Tahay?

Mid Shaqaalihii ka Mida ayaa ugu Jawaab Celiyay In Marada Meesha Sudhani Tahay Surwaalkii Cabdi-dheere Oo uu Isagu Sudhay,Oo Aanay Haboonayn In Madaxa La Taabsiiyo.

“Waa Surwaalkii Cabdi-dheeroo Mana Haboonna In Madaxa la Taabsiiyaa”

Saaxiibkeen Saabaan Maydhe Mar kasta oo uu Suxuun Gudaha Gaynayo Inta uu jilba Joogsado ayuu Ka Hoos Dusaa Hhhhhhhhhhhh Markaas ayey Saaxiibadiina Aad u Qoslaan.

Markii ay Asxaabtii Arkeen In Saaxiibkood Saaray uuna la haysan Magaalada Badowna Yahay Ayey Sii Kordhiyeen Ka Maadeeysigii. Waxaanay Maalin u Direen inuu Daaqada ka Furo,Saaxiibkii Ismaba dhibine inta uu Dibada Hoolkii uga baxay uun buu Sidii Albaab Xidhan Soo Gargaraacay Daaqadii,Qosol yaa haya Asxaabtii.

Maalin Kale Markuu Muddo Joogay Kuray Xooglihii Saabaan Maydhka ahaa Ee Baadiyaha Saaray laga Keenay ayey Timihii ku baxeen, Mid Asxaabtii Hudheelka Ka Mida ayaa u Kaxeeyay Xagaa iyo Rayiislaha (Timo jaraha).Haddaba Intay Dhexda Sii Socdeen ayuu ku Yidhi”Waryaa Saaray Dhagayso Ninka Rayiisluhu Dadka Waxay ku Fadhiisiyaan Kursi Jaban Oo Wareegaya,Ka dibna Adaa jabiyay ayaa lagu Odhan Ee Aniga Dhulka Iigu Xiira dheh”.Markii ay Rayiislihii Galeenba Mid baa booday Timo jarayaashii Oo Kursigii Wareejiyay Dhaskana Ka Tuntay, Kii Yaraa Arag in Kursigu Wareegayo Dhulkuu Kambadhuudhsaday Aniga Xagan Iigu Xiira,Qosol baa Maalintaa Magaalada Looga Dareeray.

Midba Mid ka Darane Waxaa Maalin kale la Geeyay Xamaamka (Tuushka Lagu Maydho),Haddaba Markiiba Qolkiisa Maydhashada Loo Tilmaan Isna Gal Oo Hoosta ka xidhay,Judhiiba wuxuu dibada u soo Tuuray Calalkii uu Xidhnaa Oo Aan Surwaal iyo Shaadh ka badnayn Suunkii dhexdana uu Iskugu Guntay,ilayn Markii Cabaar Muddo ah uu Saaray Dhex fadhiyay Qolkii Xamaamka Iska Soo bax Isagoo Mudh iyo Gacan ah,Waxaa lagu War heluun Ninka Suunka Dharka ka Furfuranaya Ee leh”Oke Oke Maxaad Biyaha Noogu Keeni Waydeen”Hadda Garo biyuhuba Dushiisay Sudhnaayen

Waxaa dhacay, Wixii dhacay,Wuxuu Dhacay Markuu Dhacay,Wuxuuna u dhacay Siduu u Dhacay.

Muddo Yar ka Dib Waxaa lagu Baraarugay Iyadoo Kuraygii Magaaladu ka Hor Timid Saaray lagu Celiyay ayna Celiyeen Cidii u Ehelka Ahayd.

Hayga Sugin Inaan Cidaas Kuu Sheego Ee Adigu Maankaaga la Kaasho.ILbaxnimada aan Sheeganana Sidaas baan ka nahay!!!!!.

Haddaba Waxaa la Joogaa Gabal dhacii Qabyaalada Gabiley Ka Arrimisa.Waxaana Hadda Inaga Xiga Oo Qudha Inta Kalfadhi Aan Caadi ahayn ay Qabsanayaan Golaha Deegaanka Gabiley.

Waxaan Guul u Rajaynayaa Xildhibaanada Isbedel Doonka ah Ee Degmada Gabiley.

Lasoco…..

Naasir meecaad – Gabiley

……………………………………

FG: Shabakadda HargeisaPress, marnaba Masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here