Cabdikariin Axmed Mooge oo Kashifay in Xukuumadda Siilaanyo Fadhiid ka dhigtay Baasaabboorka Somaliland & Tayada Waxbarashada

0
1356

Hargeysa, (HargeisaPress) — Siyaasiga Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa sheegay in Baasaabboorka Somaliland halkii ugu hoosaysay uu qiimihiisu gaadhay dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey ee ay xilka haysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu Wasiir Ku-xigeenka Kalluumaysiga iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka-ba ka soo noqday, intii aanu iska casilin xilka Qorshaynta dabayaaqada sannadkii 2015-kii.

Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu sheegay inaanu illaa hadda garanayn waxay Somaliland dhaafsatay wareejinta Dekedda Berbera iyo Saldhigga Millateri ee ay dawladda Imaaraadka Carabta siisay, maaddaama oo Baasaabboorka Somalililand aanay Muwaaddiniintu ugu dhoofi karin Dubai ama ku joogi karin.

“Qaranka Somaliland markii uu ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, wuxuu samaystay Calan u gaar ah, Lacag u gaar ah iyo Baasaabboor u gaar ah, Lacagtii waa la isticmaalaa, Calanna wuu leeyahay. Laakiin, Baasaabboorka Somaliland ayaan-darrooyin badan baa haysta, Madaxda Maanta Somaliland ka talisa badi waa Niman Qurbaha ka yimi, waxay isticmaalaan Baasaabboorro Shisheeye, taasi waxay keentay in Baasaabboorkii Somaliland baahi ay u qabi waayaan oo waddamada Xidhiidhku innaga dhexeeyo markay tegayaan ay ku tegi waayaan Baasaabboorka Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Cabdikariin oo Salaasadii Maanta u warramay Somali Cable TV.

Cabdikariin Axmed Mooge waxa uu tusaale u soo qaatay Wasiirradii arrimaha dibedda isaga dambeeyey wakhtigii Xukuumaddii Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa ay talada haysay heerka ay gaadhsiiyeen Baasaabboorka Somaliland, waxaanu yidhi; “Muwaaddinka Somaliland ee Cabdillaahi Maxamed Ducaale markii uu ahaa Wasiirka arrimaha dibedda, waxaan uga marag-kacayaa in uu ku dhoofi jiray Baasaabboorka Somaliland, illaa maantana uu haystaa oo uu ku dhoofaa, Adna Aadan Dhakhtar markay ahayd Wasiirka arrimaha dibedda iyada oo heli karaysay Baasaabboor kale oo dal kale oo ay dhalashadiisa haysatay waxay ku safri jirtay Baasaabboorka Somaliland, welina ku safartaa. Somaliland waxay u baahan tahay Madax iyo Siyaasiyiin daacad u ah dalka iyo Baasaabboorka oo markay waddan u dhoofayaan ku dhoofa Baasaabboorka, waddanka ka diidana aan u tegin.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here