Caawimo Loo Qaybiyay Hindi-da iyo Carabta Ku Nool Berbera

0
1408

Berbera (Hargeisa Press.com): Xildhibaan C/qaadir Indho-indho oo ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta dadka Carabta iyo Hindi-da ah ee degan magaaladda Berbera u qaybiyay raashin caawimo ah.

Raashinkan caawimadda ah oo ay soo dirtay hay’adda Help hands oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, oo ka koobnayd saddex Koontiinar ayaa hal Koontiinar oo ka mida waxa loo qaybiyay bulshadda Hindi-da iyo Carabta ee nool Berbera

Iyadoo labadda Koontiinar ee kale loo qaybin doono dadkii abaarihii xoolahoodii kaga baxeen ee degan magaaladda Laascaanood, balse uu madaxweynaha Somaliland amray in dadkaasi Carabta iyo Hindi-da ah hal Koontiinar loo qaybiyo sida uu xildhibaan Indho-indho sheegay.

Qaybinta caawimadani waxa kaloo goob joog ka ahaa wasiirrada diinta iyo awqaafta iyo gaashaandhiga, kuwaasoo ka mid ahaa weftigii madaxweynaha  balse qaybinta caawimadaas darteed ugaga hadhay Berbera.

Xildhibaan C/qaadir Indho-indho oo faahfaahinayay caawimadaasi waxa uu yidhi “Halkan waxaa yaalla hal Koontiinar, oo laga soo diray Maraykanka, oo ay soo dirtay hay’adda muslimiinta ah ee la yidhaahdo help hand.

Waxaanay hay’adaasi caawimadda ku soo hagaajisaa hay’adda SPO, oo aan anigu odaygeeda ahay. Saddex Koontiinar oo caawimo ah ayay hay’adaasi help hand soo dirtay, labadii kale Laascaanood ayay inagaga horeeyaan”.

“Markii anaga iyo madaxweynuhu aanu arrinsanayna waxay noqotay oo laga maarmi waayay in Kiintiinarkan caawimadda ah la siiyo dadka Carabta iyo Hindida ah ee Berbera ku nool, oo uu madaxweynuhu aadka u garanayay iyo Berberadii hore, in maanta halkan  lagu gudoonsiiyo caawimadani sida madaxweynuhu soo jeediyay”ayuu yidhi xildhibaan Indho.

Geesta kale wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in iyagoo fulinaya amarkii madaxweynaha ay bulshadda Hindi-da iyo Carabta ee degan Berbera raashinkan u qaybiyeen.

Wasiir Khaliil oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi “Hay’adda help hands caawimadan ay soo direen waxay ugu tallo galeen dadka Carabta iyo Hindi-da ah ee Berbera degan, ee baahidu hayso in loo qaybiyo. Madaxweynuhu na wuxuu u gartay in dadka reer Berbera gaar ahaana kuwa aan Xagaa bixin ee asal degaanka u ah.

Berbera  dad badan ayaa degan, laakiin dadkani waa kuwa mar kastaba degan ee aan kulaylka iyo qabowga marnaba ka xagaa bixin, ayaa madaxweynuhu isagoo qiimaynaya waxa uu codsaday in caawimadan la gaadhsiiyo”.

Hargeisa Press/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here