Caasimadda Hargeysa oo si weyn looga dareemayo U Diyaar-garow loogu jiro Ciidul Fidriga + SAWIRRO

0
1558

OLYMPUS DIGITAL CAMERAHargeysa,(HargeisaPress) — Iyadoo lagu jiro tobankii casho ee u dambeeyey Bisha Barakaysan ee Ramadaan ayaa suuqyada magaalada Hargeysa laga dareemayaa mashquul badan iyo xidhiidhi ay adag tahay inaad dhex lugayso.

Inta badan way adagtahay in gadiid dhex socota badhtamaha magaaladda , waxaana wadooyinka hareerahooda lagu soo camiray dhar iyo alaabooyinkii ciyaalku ku ciyaaraan, taasina waxay keentay qofkii hore gudaha suuqa usii gala isagoo khaatiyaan joogo oo daalan ka soo baxayo.

Sidoo kale, waalidiin ay hareero socdaan caruurtooddii ayaa arkaysa iyagoo dhex warwareegaya bacadleyaasha kuwaas oo raadinaya dharkii ay caruurtooda u iibin lahaayeen, waxaana mararka qaarkood arkaysa hooyo wadda ilaa shan caruur ah taas oo la cadiban faro badnida iyo sawaxanka suuqa ka haysta.

Dharka carruurta ayaa iyaguna aad u qaali ah taas oo aanay cidi goyn Karin, waxaana kurdadda inanta yar ee dumarka ah la siinayey sodan dollar, halka ay dharka caruurtu mar walba ka qaalisan yihin kuwo dadka waaweyn.

“Surwaalka waxa la siinayaa 20 dollar, halka shaadhkana ilaa 15 dollar, kabaha laftood waxa lagu iibinayaa 25 ilaa 30 dollar, marka ciidda waxa la moodaa inay dhawrku qaali tahay, sidoo kale dharka caruurta ayaa qaali ah oo dharka hablaha waxa la siinayaa 3o dollar ilaa afartan dollar ”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka ka shaqeeya bacadleyaasha.

Waxa jira dhalinyaro marka ay arkeen qaaliga dharka ee suuqa Hargeysa u ciid doontay magaaladda Boorama oo ay sheegeen inay kaga dhar jabantahay magaaladda Hargeysa, waxaanay sheegeen inay dhar wanaagsan oo jaban ka soo heleen.

“Dharka Hargeysa lagu iibinaya waa qaali, waxaana aniga iyo dhalinyaro kale isku raacnay Borama oo aanu ka soo iibsanay dhar waxaana saadhka iyo surwaalkii la iga siiyey 23 dollar, halka surwaalka oo kaliya Hargeysa lagaaga siinayaa 20 dollar”ayuu yidhi mid ka mid ah dhalinyaradda Reer Hargeysa oo dhar ka soo iibsaday magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

Dhinaca kale, maalmahan Ciidda oo kale waxa ka faa’iidda badan ka hella gaadiidka loo yaqaan Basaska ee daabula dadweynaha, kaas oo daad guranayey dadka, iyagoo ilaa kowda habeenimo shaqaynayey.

Mararka qaarkood ayaad arkaysay dadweyne tuban laamiyada hareerahooda oo waayey bas ay suuqa u raacaan, maadaama oo ay inta badan iyagoo buuxa Basasku soo marayeen, waxaanay taasi keentay in dan basaska dhexdeeda.

Waxaa xusid mudan in tobankii dambe ee Ramadaan ay dadku si weyn u camiraan masaajidadda si ay ula kulmi lahaayeen habeenka sida weyn loo raadiyo ee Laylatul Qadar, waxaana habeen badhka isqabsadda codbaahiyayaasha masaajidadka oo dhalinyaro cod macaan quraanka ku luuqaynayaan kaas oo qofkii qalbigiisu qoyan yahay dhagihiisu ku raaxaysanayo,isla markaana duco, salaad iyo quraan akhris ku ooggomasaajidadda.

Dhinaca kale, ciidanka amniga ayaa gaaf wareegaya badhtamaha suuqa kuwaas oo ilaalinaya tuugta ku soo dhex dhuumanaysa oo faro baas ku haya dadweynaha wax iibsanaya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gen:Cabdilaahi Fadal Imaan ayaa sheegay inay qabqabteen dad badan oo lagu eedeeyey inay yihiin tuug faro baas ku hayey suuqyadda magaaladda, kuwaas oo maxkamadda hor keeni doonaan, isla markaana ay sugayaan amniga suuqyadda.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY