C/raxmaan Saylici iyo weftigiisa Oo Booqday Jaamacada Camuud+Sawirro

0
813

Boorama (Hargeisa Press.com): Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo weftiga uu hogaaminayo oo weli ku sugan Boorama ayaa maanta booqdasho iyo Dhagax dhig ku tegay Jaamacadaha Camuud iyo   EELO ee Magaalada Boorama.

Xarumaha wax soo saarka Biyaha Magaalada Boorama, sidoo kalena waxa uu soo xidhay guud ahaanba Imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee dalka oo maanta lasoo gabagabeeyey.

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed iyo maamulka Jaamacada ayaa kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka iyo wafitgiisa, waxaana ay kulan xogg waraysi ah ku yeesheen Hoolka shirarka ee Jaamacada.

Halkaasoo maamulka Jaamacadu Madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyeen halka ay marayso Jaamamacadu wakhtigan iyo tirada ardayda dhigata.

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu Jaamacada Camuud ka dhagax dhigay saddex mashruuc kuwaasi oo lagu soo kordhin doono Jaamacada, waxaana dhismayaasha uu Madaxweyne ku xigeenku dhagax dhigay ka mid ahaa Dhismaha Deyrka Jaamacada oo ah 6KM oo isku wareeg ah.

Dhismaha meherad ardaydu ku kulanto, Dhismaha lagu kordhinayo Kuliyadda Beeraha oo uu dhagax dhigiisa goob joog ka ahaa Wasiirka Beeruhu.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka iyo wafigiisu waxa ay kormeer kaasi la mida ku tageen Jaamacada EEllo ee Magaalada Boorama, halkaasi oo ay kulan balaadhan kula qaateen Madaxda iyo maamulka kala duwan ee Jaamacada islamarkaana lagaga wada hadlaayey hormumarka ay samaysay jaamacadu mudadii ay jirtay.

Madaxweyne ku xigeenka iyo waftigiisu waxay tageen Xarumaha biyo soo saarka ee Gamuug iyo Dhamuud oo ah halka ay kasoo baxaan Ceelasha Biyaha ee Magaalada Boorama, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenku ku sameeyey Kormeer iyo indha indhayn habka ay u socdaan hawlahoodu.

Sidoo kalena Madaxweyne ku xigeenku waxa uu tagay isaga oo sii wata kormeerkiisa Berkada Kaydka Biyaha ee Boorama.

Waxaana halkaasi warbixin ku siiyey Masuuliyiinta gacanta ku haya, Shirkada Biyaha Boorama ee SHABA oo Madaxweyne ku xigeenka siiyey Warbixino ku saabsan hamsami u socodka hawlaha biyo soo saarka iyo mashaariicda ay ku kordhiyeen.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Shirkada SHABA ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen ee dhanka wax soo saarka biyaha, waxaana uu xusay in biyuhu yihiin baahi aan laga maarmi Karin noloshana aadamahana ay ka yihiin hormuud.

Intaasi ka dib Madaxweyne ku xigeenku waxa uu soo xidhay Xaflada Dhammaadka Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo guud ahaanba Dalka maanta ka dhammaaday, munaasibad lagu soo xidhaayey Imtixaanaadka ayaa lagu qabtay Dugsiga Sheekh Cali Jawhar ee Magaalada Boorama waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Masuuliyiinta Waxbarashada ee heer Gobol, waxaana ay Madaxweyne ku xigeenka warbixin ka siiyeen mudadii uu socday Imtixaanaadku iyagoo sheegay inuu kusoo dhammaaday guul barri ilaa galbeed.

Madaxweyne ku xigeenka oo soo xidhay Munaasibadaasi ayaa guul ku tilmaamay dhammaadka Imtixaanaadka dalka, waxaana uu sheegay inay tahay wax ilaahay loogu mahad naqo in guud ahaanba Imtixaanaadkii dalku ku dhammaaday nabad gelyo.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay inay lagama maarmaan tahay in dhanka aqoonta xooga la saaro ardayduna haddii ay dhacaan aanay ceeb ahayn balse ay tahay.

Daawo Sawirro Ku Saabsan Kormeerka iyo Kulamadda Madaxweyne Ku-Xigeenka :

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here