Burco: Wasiir Ku Xigeenka Waxbarashadda Oo Dhagax Dhigay Dayactir Lagu Samaynayo Dugsiyo Dawliya

0
932

Burco (Hargeisa Press): Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha Dayrka dugsiga Togdheer ee magaaladda Burco iyo sidoo kale dayactir lagu samaynayo dugsiga hoose, dhexe iyo sare  ee Sheekh Ibraahim ee isla magaaladda Burco.

Waxaana wasiir ku xigeenka dhagax dhigaasi ku wehelinayay badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi iyo masuuliyiinta wasaaradda  waxbarashadda ee gobolka Togdheer iyo maamuleyaasha dugsiyadaasi.

Dayactirka labadan dugsi ee Sheekh Ibraahim iyo Togdheer ee isla magaaladda Burco ayaa guddiga qandaraasyadda qaranku ay todobaadkii hore baahiyeen shirkadaha ku kala guulaystay fulinta dhismeyaashaasi.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Somaliland Maxamed Daahir Axmed, oo hadal ka jeediyay goobtii uu dhismeyaasha labadan dugsi ku dhagax dhigayay ayaa sheegay  in muhiimad weyn ay leedahay dhismaha dayrka Togdheer.

Sidoo kale-na ay ka qayb qaadan doonaan dayactirka iyo qalabaynta dugsiga Sheekh Ibraahim. Waxaanu yidhi   “Dugsiga Togdheer oo aanu u dhagax dhigayno Dayr 800 oo mitir ah, oo laba jibaaran  ah. kaasoo wax badan ka tari doona ilaalinta hantidda dugsiga iyo degaanka ay ardaydu wax ku baranayaan.

Sidoo kale dugsiga hoose, dhexe iyo sare  ee Sheekh Ibraahim oo aani isna ka qayb qaadano dhismaha iyo dayactirkiisa, qalabayntiisana aanu ka qayb qaadanayno, oo la qalabaynayo”.

“Waxaa muhiim ah ilaalinta hantidda ummada ka dhaxaysa, oo ay dusgiyadda dawliga ah  koow ka yihiin.

Ilaalintaasi oo ah in anagu ka xukuumad ahaan iyo ka wasaarad waxbarasho ahaan ba, in aanu qaybtayadii nagaga waajibka ahayd  ka qaadano”ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda Somaliland.

Isuduwaha wasaaradda waxbarashadda ee gobolka Togdheer Maxamuud Xasan Caynaashe, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay Dayrka loo dhisayo dugsiga Togdheer ee magaaladda Burco.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa maanta  farxad noo ah in aanu  dhagax dhigayno Dayrka dusgiga Togdheer ee magaaladda Burco oo ay kharashka ku baxaya  bixinayso xukuumadu”.

Sidoo kale badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay dayactirka lagu samaynayo dugsiga hoose, dhexe iyo sare  ee Sheekh Ibraahim iyo dayrka loo samanaynayo dugsiga Togdheer ee magaaladda Burco.

Xamse Maxamed, oo arrimahan ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ku dhagax dhigaynaa dayrka loo samaynayo dugsiga Togdheer, oo muddo badan dayr la’aa.

Maanta  ayuu ALLE  (SWT)  qadaray in aynu dhagax dhigno. Waana la dhisi doonaa sida ugu dhakhsaha badan oo dhismihiisa loo bilaabayaa”.

“Waxaana inoo dhagax dhigaya oo nala jooga wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda. Waxaanan filaynaa in mudadda ay xilka hayaan wasiirka iyo wasiir ku xigeenku ay dhamaan doonaa dhismeyaashani, oo ay xadhiga ka jari doonaan”ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

 

LEAVE A REPLY