Burco: Munaasibad Dhaqan Oo Kor U Qaadey Xiisada Siyaasadeed Ee Burco Kaftan Hufan Oo La Isugu Duur Xuley

0
1420

Burco,(HargeisaPress) —Munaasibad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo Islamarkaana, aheyd Xaflad Dhaqan oo Beelaha Deegaanka Gobolka Togdheer iyo Magaalada Burco isugu hibeeyeen Lamaane Cusub oo Meherkooda lagu qabtey Huteelka Wey nee Kaafi Burco ayaa, aheyd mid soo jiidatey Guud ahaanba jawiga Magaalada Burco kadib markii ay kasoo qeyb galeen Madaxda dhaqanka Beelaha Deegaanka Burco,Qeybaha kala duwan ee Bulshada madaxda iyo Masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada,Siyaasiyiin u badan Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani iyo Xildhibaano katirsan Golaha Deegaanka Caasimada Burco.

Munaasibadan kusoo beegantey meherka Guurka la isugu hibeeyay Sakariye Saxardiid Axmed(Sakariye-Awaare) oo kamid ah hal-abuurada iyo muhindiska qalinka dhalinyarada Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Togdheer iyo Najax Xamse oo ahaa lamaane haasaawahooda Mustaqbal kusoo daadihiyay dhaqan,asluub iyo Samir rajooyin kalgaceyl huwan oo qaatey wakhti ay kusoo khatimayeen Jaamcado dalka dibadiisa iyo gudihiisa ah oo dhambaalada ku kala boganyeen ayaa maanta guud ahaanba lagu soo gunaanadey jawi farxadeed oo siweyn uga muuqdey labada dhinac ee Gacal iyo Sokeeyaha ah oo isugu hal celiyay gob iyo nasab is calfadey.

Munaasibadan oo ay kasoo qeyb galeen Fanaaniinta Xidigaha Geeska ee Somaliland intooda badan iyo masuuliyiintooda,waxa kale oo iyaguna farxada lasoo wadaagey Gudoomiyaha ololaha heer Qaran ee Xisbiga Wadani iyo aqoonyahano tira badan iyadoo ay hadalo kaftan daadihis siyaasadeed huwan isugu duur xuleen Madaxdhaqameedka ugu culus Gobolka Togdheer Chiefka Guud ee Galbeedka Burco iyo Cuqaasha Bariga Burco waxa hadalo ka jeediyay shakhsiyaad aad u tira badan oo dhamaantood ka halceliyay jawiga farxadeed ee Munaasibada meherkani ku gedaaman iyagoo duco iyo hibo iyo dardaaranba u xambaariyay lamaanaha illaahay maanta ku qadarey in ay cagta saareen dhabaha guur xalaal ah oo ay mudaba ka dhursugayeen.

Maayar Kuxigeenka Burco,Maayarkii hore ee urco Maxamuud Dhagalaab,Xildhibaan Cabdirisaaq Aar,Xildhibaan Cabdirashiid Faarax Cali,Gudoomiyaha Heer Qaran ee ololaha Xisbiga Wadani Xamse Khyre,Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Wadani Muuse Yuusuf Raabi,Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Xisbiga Wadani Xuseen Kaahin,Madaxa Baahinta Talafishanka Qaranka Ugaas Majaabir,Abwaan Laabsaalax,Axmed Wali Furinle,Aqoonyahan Maxamed Saleebaan,Jilaaga Jawaan iyo xubno kale oo aad u tira badan ayaa dhamaantood hadalo duco iyo dardaaran ah ujeediyay Lamaanaha Munaasibadoodu Kulmisey oo ay farxad ku dhameysteen wakhtiga ay siiyeen.

Geesta kalena Wariye Mustafe Sheekh Cumar,Keyse Axmed Digaale iyo qeybo badan oo kamid ah bahda Warbaahinta ayaa iyaguna kasoo qeyb galey Munaasibadan meherka Aroos ee soo jiidatey Bulshada Togdheer.

HargeisaPress News Desk —Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here