BURCO: MAGAALO BOQRAN Qalinka: Axmed Cisman Batuun

0
1446
Axmed Cisman Batuun

waa goor gaaban, safarkayga hakad aan badnayn ayaa u qorshe ah,booqashaduna way tiro dhaaftay waxaan qalinka u qaatay inaan qabyo tiro qoraal kooban oo muddo igu jiray kaasoo aan jeclaaday inaan ku ladho qormooyin hore oo aan ka sameeyay magaalooyinka boorama,hargaysa iyo gabilay isla markaana aan si kooban xog ugaga gudbiyo caasimada boqran ee gobolka togdhgeer ee magaalada burco.

Sharraxa kelmadda (boqran) ee aan u xushay astaanta qoraalkaygan si aanad ugu mashquulin ila soco.

Halkani waa magaalada burco juquraafi ahaan waxay dhacdaa kala badhka somaliland meel u dhow,cimilo ahaana waa magaalo jawigeedu fiicanyahay dhul ahaana magaalada burco waa meel siman oo carro saafi ah leh, isla markaana hodan ku ah biyaha la cabbo.

Goleheeda degaanku waa 21 xubnood waana mid kamida magaalooyinka ugu koritaanka badan somaliland iyadoo sanadihii ugu danbeeyay si xawli ah u balaadhatay lana odhan karo xaga qorshaha way kaga fiicantahay magaalooyinka la olloga ah ee dalka.

Arimaha xiisaha gaarka ah wata ee magaaladani caan ku tahay waxaa ka mida inay ku suntantahay taariikhda lasoo noqoshadii madaxbanaanida somaliland iyadoo lagaga dhaqaaqay isla burco,waxaa iyana xusid mudan

burco inay tahay degaan ay kasoo jeedaan in badan oo magac milgo iyo maamuusba ku leh dhaqanka,afka,suugaanta iyo masrixiyada inagoo waqtigan tusaale usoo qaadan karno labada jilaa ee caanka ka ah dunida ee SOORAAN IYO JAWAAN.

Magaalada burco waxay ka mid tahay meelaha ugu dadka badan dalka kuwaasoo badanaa magaalooyinka kale ee somaliland dadka ku nooli ay ka aaminsanyihiin reer burco inay yihiin dad kaftan badan had iyo jeerna dhoolla caddeeya isla markaana la sheego inay sameeyaan naanayso iyo erey bixino luuqadeed oo u badan maadeys.

Geesta kale burco waxaa ka jira ururo bulsho oo kala duwan una badan dhalinyar kuwaasoo waqti badan galiya kor u qaadka iyo horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka una hawl gala qaab mutadawacnimo iyadoo la xasuusto kaalintii ay ka qaateen la dagaalankii shubanka ee ka jiray magaalada burco.

Si guud hadaynu u eegno gobol ahaan TOGDHEER ma firfircoona dhinaca wax soosaarka beershadu waxaase xoog la saaraa dhaqashada xoolaha nool, waxaana dadka qaar oo aan la sheekaystay ay ii sheegeen in waqtigan la joogo xiligii la baran lahaa dalag beershada mar hadii abaaro baahsani dalka wada saameeyeen xoolihiina yaraadeen taasina ay dadku bilaabeen,sidoo kale maamulka gobolkana ay isna qorshihiisa ku jirto dhiirigalinta wax soo saarka.

dhinaca cuntooyinka iyo sharaabyada magaalada burco waxa aad loo xiiseeyaa shaaha iyo hilibka xoolaha waxaana ku yar noocyada hilibka cad sida kaluunka iyo kuwa soo raaca inkastoo waqtigan la isticmaalo.

Hadii aynu soo koobno magaalada burco marka la eego mustaqbalka dhaw waxay u baahantahay in loo dejiyo qorshe balaadhan oo caawin kara koritaanka xawliga ah ee ay ku socoto kaasoo wata kaabayaasha nolosha ee aasaasiga kuna cindanyihiin bilic,fayodhawr iyo magaalayn ku dhisan aqoon casri ah.

golaha degaankana waxaa la gudboon inay ka faa,iidaystaan firfircoonida bulshada reer burco isla markaana ay sameeyaan qorshe saxmadda lagaga yaraynayo magaalada laguna balaadhinayo oo lagu dayac tirayo jidadka burco iyadoo xoog la saarayo dhinaca bilicda iyo nadaafadda taasoo ka dhigi karta magaaladan mid laba jibaarta soo jiidashada xiisaha badan ee ay caanka ku tahay burco.

Qalinka: Axmed Cisman Batuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here