Brazil oo Walaac ka Muujisay Casaan Neymar la Siiyay Dhamaadka Kulankii Colombia ka badisay

0
1213

HargeisaPress — Brazil ayaa walaac ka muujisay Neymar kadib markii garoonka laga saaray dhamaadka kulankii ka tirsanaa Copa America ee Colombia ka badisay, kaasoo uu ku kacay ficil ka baxsan anshaxa kubbadda cagta.

Neymar waxa uu si xun ula dhaqmay Murillo oo goolka Colombia ku badisay Brazil ka dhaliyay, isagoo hirdi ku dhuftay markii ciyaartu dhamaatay, taasoo sababtay in garsooruhu kaadhka Casaaka ah siiyo.

Waxa uu Neymar seegi doonaa kulanka dalkiisu Axadda soo socota la yeelan doono Venezuela, kaasoo haday badiyaan u saamixi doona inay dhaafaan wareega Guruubyada, maadaama ay hadda leeyihiin 3 dhibcood.

Dhinaca kale, waxa suurto-gal in laacibkan la ganaaxo ugu yaraan kulan kale, maadaama uu laacibiinta Colombia iyo Brazil qas ka dhex abuuray dhammaadka kulankii labadan waddan dhex-maray.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here