Boqortooyada Sucuudiga Oo Si Balaadhan U qaabishay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland + Nuxurka Qodobadi La Isla Soo Qaaday + SAWIRRO

0
986

wasir xirsi suRiyaad,(HargeisaPress) — Boqortooyada sacuudiga oo si meeqam sare ah u  Qaabishay Wasiirka Wasaarada Madax Tooyada Somaliland Mudane Xirsi Xasan Xaaji Cali  iyo waftigii i uu hogaaminayay.

wasir xirsi su3

Iyadoo qasriga boqortooyada wasiirka iyo waftiga uu  ku  qaabilay Amiin C.Razmaan Bin Cabi Caziiz Aala Sucuud oo ah Boqor Sucuudiga Boqor  C.Laha Walaakii kana mid ah raga dhaxaltooyada sacuudiga sugaya

wasirka xirsi su 2

Wasiir Xirsi Iyo Amiir C.Raxman ayaa waxay ka wada hadleen xidhiidhka diblumaasiyadeed iyo kan dhaqaale ee ay wadaagan labada dalka ee boqortooyada sucuudiga iyo dalka Somaliland iyagoo isla jeex jeexay kana dooday sida muhiimka ay u tahay in la sii adkeeyo xidhiidhka  ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah.

Wasiirka ayaa waxaa kulankan ku wehelinayay xiladhibaan c.laahi balaki safiirka Somaliland ee sacuudiga Cabdala Musa Kuwati iyo Wakiilka Somaliland Ee Makkah Safiir Ahmed Adan Dagaaal Safiina .kulankan ayaa ku soo dhamaaday jawi deggen oo faraxadi ku dheehantahaya .

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here