Boqol Weerar oo saddexdii sano ee ugu dambeeyey ka dhacay dalka Kenya Warbixin Wargeyska The Standard

0
997
Sawir hore, qarax ka dhacay Mombasa | Xuquuqda Sawirka The Standard
Sawir hore, qarax ka dhacay Mombasa | Xuquuqda Sawirka The Standard

NAIROBI, Wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa qoray warbixin ka hadlaysa weerarrada ka dhacay gudaha dalka Kenya saddexdii sano ee ugu dambeeyey iyo weliba khasaaraha ay geysteen.

Wargeyska oo baaritaan iyo xog ururin madax bannaan sameeyey, ayaa qoray in ugu yaraan 370 qof ay ku dhinteen in ka badan 1075 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada ka dhacayey Kenya, laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaas oo ay ciidamada Kenya dalka Soomaaliya gudaha usoo galeen.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo Oktoobar 2011-markaasoo uu bilowday howlgalka Linda Nchi- celcelis ahaan saddexdii maalmoodba hal qof lagu dilayey Kenya, sidoo kale 11-kii maalmood ee kasta hal weerar uu ka dhacayey meel kamid ah Kenya.

9 kamid ah 47da degmo ee dalka Kenya uu ka kooban yahay ayey weerarradaasi saameeyeen, waxayna saddex meelood hal meel weerrada oo u dhiganta 32% ay ka dhaceen degmada Gaarisa iyo deegaanada hoos taga oo keliya.

Goobaha sida aadka ah loo bartilmaameedsaday ayaa sida warbxinta lagu sheegay waxay u badan yihiin: goobo waxbarasho, kaniisado, saldhigyo boolis, xeryo qaxooti, goobaha basaska laga raaco, goobaha laga dukaameysto, kalaabyada habeenka lagu caweeyo.

Ammaanka dalka Kenya ayaa soo xumaanayey laga soo bilaabo bishii October sannadkii 2011, markaas oo cutubyo ka tirsan militeriga Kenya ay usoo tallaabeen dhinaca Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Al-shabaab, oo Kenya ay sheegtay inay khatar ku yihiin dhaqaalaheeda iyo weliba ammaanka muwaadiniinteeda.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarro dhowr ah khasaare badanse dhaliyey oo ka dhacay Kenya, waxaana kamid ahaa labadii weerar lagu qaaday Westgate Mall iyo deegaanka Mpeketoni. Dad boqol kor u dhaafaya ayaa labadaas weerar ku geeriyoodey tiro intaas ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here