Booqashada Oo Loo Diiday Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane 11 Cisho Xidhan Burco

0
1472
Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane

Burco , (HargeisaPress) —Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane, oo muddo 11 maalmood ah ku xidhan saldhiga magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa loo diiday inay booqdaan dadka shacabka ah.

Lama garanayo sababta loogu diiday booqashada, Booliska Gobolka Togdheer oo aanu isku daynay inaanu arrintan waxka weydiinananoomay suurtagelin, sidoo kale waxaa saaka loo diiday Qareen looqabtay Siyaasi Miigane.

Dadweyne loo diiday inay booqdaa Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane, ayaa saaka ishortubay saldhiga magaalada Burco, kuwaasoo oo markii dambe mudaharaad salmi ah kahordhigay, waxaanay ku dhawaaqayeen kelmado ay ka mid yihiin “Xorriyaddiisa ha loo soo celiyo Miigane”

Xadhiga Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane, ayaa sidaanu hore u baahinay la sheegay inuu kadambeeyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici.

Xafiiska Madaxweyne Ku xigeenka oo aanu la xidhiidhnay si aanu wax uga weydiino Xadhiga siyaasigan ayaa diiday inay ka jawaabaan.

Siyaasi Maxamed Cilmi Miigane,waxaa uu ka shaqeeyaainta badan arrimaha samofalka isagoo hawlo badan oo samo-fal ah ka fuliyay Sanaag, Gabilay iyo meelo kale, tusaale ahaan Cusbitaalka Marwada Madaxweynaha Djibouti ka dhistay Gabilay oo uu qeyb weyn ka qaatay.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY