Booliska Somaliland Oo Heegan Culus La Geliyay

0
979

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Ciidamadda booliska Somaliland ayaa maanta la geliyay  heegan culus oo ay kaga hawl gelayaan dhamaanba magaalooyinka goboladda dalka.

U jeedadda heegankaas ayaa lagu tilmaamay mid lagu sii adkaynayo nabadgeliyadda, isla markaana lagu dar-dar gelinayo sugida amaanka dalka.

Sida uu sheegay taliyaha ciidamadda booliska Somaliland sareeye guud C/laahi Fadal Iimaan, oo xarunta taliska guud ee magaaladda Hargaysa maanta warbaahinta kula hadlay.

Halkan Ka Daawo Taliye Fadal Oo U Jeedadda Heegaankaasi Ka Warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here