Booliska Britain oo Xabsiga u taxaabay Soomaali lagu qabtay Iibinta & Cunista Qaadka oo dalkaas laga joojiyey

0
1048

LONDON, (HargeisaPress) — Ciidanka Booliska magaalada London ee xarunta waddanka Ingiriiska, ayaa gacanta ku dhigay Jimcihii maanta oo bisha September ahayd 26 sannadka 2014-ka dad Soomaali ah oo isugu jira kuwo qaadka ka ganacsada iyo kuwo ku qayilayey goobaha iibiyeyaasha Qaadka oo Ingiriisku joojiyey laga soo qabtay.

Hawlgal ay Ciidanka Booliska London ee dalka Britian ka sameeyeen Xaafadda lagu magacaabo Church Road ee Galbeedka magaalada London, ayay ku soo qabteen toddoba Jawaan Qaad qallalan oo la Shiiday ama la ridqay ah iyo Garaabada inta la qallajiyo sideeda loo iibiyo oo aan ridqanayn ama la shiidin iyo 3 Nin oo Soomaali ah oo ahaa kuwa iyagu ka ganacsanayey ee iibinayey Qaadkaas, kuwaasoo da’dooda lagu qiyaasay 41 illaa 52-jir da’da u dhaxaysa iyo Dhalinyaro iyaguna halkaas u fadhiyey cunista Jaadka ama qayilaadda oo la sheegay inay Wiilal iyo Gabdhaba isugu jireen.

Ciidanka Ammaanka London waxay Xabsiga u taxaabeen Saddexda Nin ee Soomaalida ah ee qaadka oo dawladda Britian joojisay 28-ka Bishii June ee sannadkan 2014-ka, isla markaana waxay mudan doonaan kuwa ka ganacsanayey ciqaab isugu jirta xadhig iyo ganaax lacageed sida dawladdu sheegtay markii ay gaadhay dhaqangelinta go’aanka qaad-joojinta dalkeeda.

Goobahan lagu qabqabtay dadkan, ayay Booliska Ingiriisku bartilmaameedsaneed oo ay hore uga war-heleen, goobahaas oo qaarkood la sheegay inaan laba xidhin sidii Qaadka looga joojiyey dalkaas iyagoo ka hor joojinta Jaadka haa goobaha Qaadka lagu rogo laguna iibiyo ee loo yaqaanno Makhsinnada Jaadka, balse tan iyo joojintii Jaadka ee Ingiriiska ka dhaqan-galay bishii June ee sannadkan inay si dadban u shaqaynayeen oo marnaba aanay joojin ka ganacsiga qaadka oo ay u rogeen iibinta Garaabadiisa oo Ridqan iyo iyada oo la qallajiyey oo aan la ridqinba.

Raysal-wasaaraha Britian Daved Cameron, ayaa maalintii uu bilaabmay dhaqan-galka go’aanka qaadka lagaga mabnuucay dalkaas isticmaalka ka ganacsiga iyo cunista Jaadka wuxu War-Murtiyeed uu soo saaray ku sheegay in ciddii lagu qabto iyagoo ka ganacsanaya Qaad laga bilaabo maalintaas in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan isuguna jirta xadhig iyo ganaax lacageed laga qaadi doono, isagoo markaas xusay in Qaad-joojinta waddankiisu ku dhawaaqay yahay go’aan loogu danaynayo Bulshada Soomaaliyeed ee dalkiisa ku dhaqan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY