Boobe Yuusuf Ducaale Oo Eedo Ku Hurgufay Masuulkii Xisbiga Waddani U Magacaabay Xilkii Uu Baneeyey + Muuqaal

0
874
Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

HARGEISA , (HargeisaPress) — Xoghayihii hore warfaafinta  xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha magaalada hargeysa waxa uu jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeedhay xoghayaha cusub ee Wadani Cabdirashiid Xasan Mataan oo uu kaga hadlay sida uu arko xilka uu u magaacabay gudoomiyaha wadani.

 

 

Waxaana boobe oo arimaha ka hadlaya uu yidhi “Waxaan dhawaan warbaahinta ka halacsaday nin hankiisu garoocan yahay oo hadaladaydii inta uu tixraacay maagaya, ninkan waxa loo magacaabay xoghayaha warfaafinta Wadani isagoo jooga magaalada Xagal ee gobolka Saaxil ka tirsan, madaxwayne ku xigeen ayuu u sharaxnaa xaalkiisu se waxa uu ku danbeeyy maafish dabakeen, xusul duub madhan iyo xawaare sare ayuu kusoo galay magaalada hargeysa xafiiskii madhnaa iyo xilkii madhanaa ee aan ka xuub siibtay ayuu xiise madhan iyo xarago madhan kula dul ciiray”Sidaas ayuu yidhi Boobe Yusuf Ducaale.

 

 

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warka

 

 

Isagoo waliba hadalkiisa sii wata boobe yuusuf ducaale ayaa waxa uu intaa ku daray“Ninkaasi waxa uu sheegay inuu u yimi afaran xaalay ah oo aan madhnayn isaga laftiisa Ayaan u maragsanaya oo waxaan ku cadaynayaa inuu xaalay madhan u yimi, xil, xafiis xog xoolo iyo xamaan uu igala wareegay midna ma jiro”Sidaas ayuu yidhi Boobe Yusuf Ducaale.

 

Dhanka kale Boobe Yusuf Ducaale waxa uu carabka ku dhuftay inaanu xisbi danbe ku biirayn horena aanu u galin marka laga reebo xisbiga Wadani waxaana uu yidhi “Horta waligay xisbi maan galin, kulmiyena kumaan jirin bishii March-2012 ayuu madaxwaynuhu intuu usoo garaacay igu yidhi wasiir Ayaan kuu magacaabayaaa shardi kumuu xidhinoo imuu odhan Kulmiye Kusoo biir, markaa dadku waxa ay u haystaan inaan kulmiye ka tirsanaa, anigu waligay xisbi kuma biriin kumana biirayo waligay, waligayna xisbi aan WADANI ahayn kumaan biriin”Sidaas ayuu yidhi Boobe Yusuf Ducaale

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here