Bogagga Taariikhda Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale –

0
584

“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

(Light at the end of the tunnel)

Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Hargeysa: 24/5/2015ka

Qormada: 2aad

1979kii waxa loo dabbaal-degayay 10-Guuradii kacaan-ku-sheeggii Siyaad Barre. Waxa kale oo sannadkaa la qabtay doorasho-ku-sheeggii Barlamaanka. Hoolkii weynaa ee Guriga Ummadda ayaa lagu qabtay xafladdii dhaarinta iyo furitaanka Golaha Shacabka oo dadku ay u yaqaanneen ‘Darka Sacabka: Waxa Guddoomiye ka noqday Ismaaciil Cali Abokor. Galabtaa Siyaad Barre talo ayaa ku caddaatay.

Saddex kursi ayaa loo dhigay Guddoomiyihii iyo labadii Ku-xigeen oo weliba ka Guddoomiyuhu labada kale ka dheeraa. Siyaad Barre marka uu hoolka soo galo waxa ay ahayd in uu safka ugu horreeya soo fadhiisto illeyn Golaha cusub madaxdiisa kuma uu jirine. Malahayga waxa ay ahayd markii ugu horreysay noloshiisa intii uu xilka hayay ee uu soo fadhiisto meel laga sarreeyo.

Ibraahin Meygaag Samatar

Ibraahin Meygaag Samatar

Inta uu xanaaqay Siyaad Barre ayuu kursigii Guddoomiyaha ku fadhiistay. Ismaaciil Cali Abokor shiddo iyo dhibaato midna uma qaadanne, meel kale ayaa uu iska fadhiistay isaga oo ahaa Guddoomiyihii Golahan cusub.

 

Ibraahin Meygaag Samatar waxa beryahaaba ka go’nayd in uu shaqada iskaga tago. Wuxu ka fekerayay sidii isaga oo bed qaba uu uga bixi lahaa hawlaha xisbiga, haddii ay u suurtowdana dalkaba iskaga tegi lahaa. Fursaddaas iyo sidii uu u dhigi lahaa ayuu sannadahan dambeba ka fekerayay. Xafladdaa goob-joog ayaan ka ahaa oo wixii ka dhacay maalinta qiyaamaha waa la ii soo fadhiisiyaa. Ibraahin Meygaag Samatar, nasiib wanaag wuxu ka mid noqday dadkii lagu marti-qaaday in uu madashaa ka hadlo.

 

Markii uu cabbaar ka sheekeeyay madasha iyo sida loo bilay, ayuu shaqo-ka-tegis   halkaa kaga dhawaaqay isaga oo Siyaad Barrena ka codsaday in uu ka oggolaado. Ibraahin Meygaag wuxu madashaa il-yartu is-qabatay ka sheegay in uu baylah badan oo qoys uu leeyahay, jecel yahayna in uu u ambo-baxo. Macallinkii Siyaad Barre ahaa oo Ibraahin Meygaag hadalka uga dambeeyay sidii iyo halkii ayuu Ibraahin shaqo-ka-tegistii kaga oggolaaday. Nasiib wanaag maalmo yar ka dibna waxa loo magacaabay safiirkii Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliyeed ee dalkii Jarmalka Galbeed oo xaruntiisu ahayd magaalada Bonn.

 

Siyaad Barre ayay tiradu ka gadmataye, Ibraahin Meygaag markii qorshihiisii hore u fulay ayuu markiiba qaxooti ka dalbaday dalka Maraykanka isaga oo aan sannad joogin magaaladii Bonn ee safiirka looga dhigay.

 

Markiiba wuxu ku biiray safafkii dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahyd isaga oo noqday Guddoomiyihii SNM ee woqooyiga Ameerika oo ka koobnaa dal-weynaha Maraykanka iyo Kanada. Ibraahin Meygaag intaas oo keliya kuma koobnayne, maa daama uu ahaa nin mufakir ah oo qoraa ah wuxu ka mid noqday maqaal-diiqdii wargeyskii lix-biloodlaha ahaa ee afka Ingiriisiga ku soo bixi jiray ee ‘Somali Horizon’. Qormooyinkii xiisaha dheeraadka ah lahaa ee Ibraahin Meygaag wargeyskaa ku qoray waxaan ka sii xusuustii maqaalkii ku suntanaa: “Siyaad Barre: Style of management.” Af-Soomaali haddii loo tarjumo wuxu noqonayaa: “Habka maareyneed ee Siyaad Barre ama hannaanka Siyaad Barre wax u maamulo.”

 

Maqaal wax lagu sheego ma ahayn e’, gantaal ayuu ahaa Siyaad Barre bogga iyo beerka ka cuskaday. Nin nidaamkiisa ku dhex jiray oo obocdiisa ku soo noolaa waqti dheer ayaa ka sheekeeyay hannaanka iyo habka uu Digtaatoorku wax u maamulo. Ibraahin Meygaag Samatar, meel kasta oo uu joogaba halganka ayaa u calan-walaynayay, markii uu is-hayn waayayna si toos ah ayuu ugu soo ambo-baxay jiidihii hore ee halgankii hubeysnaa ka socday. Markanna waa bishii Ogos 1984kii.

 

Weliba waa bisha 6dii iyo waqti ku beegnaa 4tii galabnimo oo uu furmayay Shirweynihii 4aad ee SNM. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Ibraahin Meygaag Samatarba waxa ay ka mid ahaayeen wejiyadii ku cusbaa madasha. Markiiba Ibraahin

 

 

Meygaag ayaa loo doortay Guddoomiyihii Shirweynaha. Waa xilkii ugu horreeyay ee uu ka qabto xarumihii SNM ee halgankii dibuxoreynta qaran sida tooska ah uga socday.

Dabcan Mareykan ayuu dib ugu noqday, bal se si joogto ah ayuu u soo noq-noqon jiray oo inta badanna ugu sugnaa jiidaha hore ee dagaalka. Bal aan xusuustaydii dib ugu noqdo iyo maalmihii iyo goobihii Ibraahin Meygaag nala joogay.

 

Markanna waa 1985kii iyo weliba bishii Meey. Shirweynihii 4aad ee SNM oo ku qabsoomay Jigjiga 6dii Ogos 1984kii markii aanu ka darrernay ee Siilaanyo la doortay, Laan-qayrta Doonbiraley waxa ka bilaabmay Shirweynihii aasaaska Golaha Guurtida. Wuxu ahaa Shirweynihii 1aad iyada oo isla markaana goobtaa lagu maareynayay khilaaf ururka soo kala dhex galay oo ka dhashay Shirweynihii 4aad.

 

Sidii lagu ballamay Shirweynihii 2aad ee Guurtida ayaa ku qabsoomay Dooxada Daahir-maadhiin ee galbeed kaga toosan magaalada Rabaso. Waa barwaaqo dhulku oo roobabkii gu’ga ayaa maansheeyay. Waxa aan ka mid ahaa wefdi SNM ah oo uu madax ka ahaa Ibraahin Meygaag Samatar oo Shirweynahaa 2aad goob-jooge ahaan uga qayb-galay. Goobtaana Ibraahin Meygaag Samatar maalmo ayaanu wada joognay ilaa intii Shirweynahaa 2aad ee Guurtidu ka dhammaanayay. 1986kii iyo 1987kii ma ay dhicin Shirar Guurti, waxaana ku xigay Shirweynihii Caddaroosh ee 1988kii, bishii Ogos oo aad dalka looga soo baxay. Waa Shirweynihii lagu doortay Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf iyo Sheekh Axmed Nuux iyo.

 

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

LEAVE A REPLY