Biyo La.aanta Berbara Oo Saameysay Surmiga Shacabka iyo Eedaadka Xoolaha Xajka Loo Dhoofinayo

0
1042

Berbera, (HargeisaPress) — Magaala Xeebeeda Berbera ee ay kutaalo Dekedda ugu Weyn Somaliland ayaa mudooyinkii u dambeeyay Duruuf Biyo la.aan ahi Saamayn culus ku yeelatey kadib markii ay Xumaadeen qaar kamid ah Ceelasha biyaha looga soo qaadi jirey markii hore Magaaladu taas oo Wakhti Xaadirkan Saamayn ku yeelatey Cabitaanka iyo Isticmaalka Shacabka Gudaha Magaalada ku nool oo Wakaaladu Xaafado kamid ah ugu dhaaminaysay Booyado.

Waxaana Dhibaato Xoog leh kala kulmey surmi adagina kasoo waajahey Xiligan Kumanaan kun oo Xoolaha ka dhoofaya Dekedda Berbera kuwaas oo ay isu lamaaneeyeen Hanfiga kuleylaha Dabeysha Xagaaga ee maraaxilkii ugu adkeyd iyo Surmiga Biyo la.aanta adag ee ay Guulka iyo Guurista Xooluhu la kulmeen,taas oo Sii Siyaadisey baahida ugu badneyd ee Nooceeda ah oo Biyo La,aanta Berberi gaadho iyadoo Ganacsatada  Xoolaha u dhoofinaya Sucuudigu ay Xaalad adag kala kulmeen oondaranyawga Xoolaha in ay dib ugu Ceelalyo Tagaan Magaalooyinka Sheekh iyo Burco si loo Waraabiyo Xoolaha.

“Hooyo Biyo La.aanta Xagaagan maanta ah jirta ee bishan u dambeysa taagani mid aynu hore u aragney ma aha waa habaar Berbera kuyumid maxey Booyad Xaafadaha qaarna loo dhaaminayo qaarna la dhaafinayo oo maatadii daba carareysaa ma ku filaan shacabka biyihii hanaloo soo celiyo ayaanu Dawllada leenahay Gurigii ay u dhaaminaysay Booyadu Shaley Burco Sheekh iyadoo tuumbada jiideysa ayay ka baxdey gurigii maynaan arag surmiga taagan”Sidaa Waxa tidhi Hooyo Caasha Xasan oo kamid ah Haweenka danyarta ah ee Degan Xaafada Burco Sheekh.

Waxa kale oo isaguna ka hadley Biyo La,aanta wakhtigan ka taagan Magaala Xeebeedda Berbera Maayar Kuxigeenkii hore ee Degmada Berbera Aqoonyahan Maxamed Jaamac Faduul oo Sheegay in aaney Maatadu u adkeysan karin biyo La.aanta lagu jiro islamarkaana ay u baahan yihiin Gurmad culu oo xaalada loogaga soo gurmado.

Sikasta oo at ujirto biyo La,aanta adag ee Mudooyinkan dambe ka taagan Magaalada Berbera waxa Siweyn looga dareemayaa Dhagaxa ay Wadooyinka ku jareen taas oo ay ku naawilayaan inaan booyada la dhex wareejinayaa biyaha la dhaafin.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here