Bernabeu: Zidane Oo Rejaddii 1-aad Ee Guusha Ku Riday Realmadrid

0
1503

Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah garoonkeeda Santiago Bernabeu kaga gaadhay Celta Vigo oo marti u ahayd kulankii ugu horreeyay ee tan iyo soo laabashada tababare Zinadine Zidane.

Guushan ayaa ahayd mid ay doorka ugu weyn ka qaateen xiddigo uu keydka ku hayay tababarihii hore ee Solari balse uu kulankan markale kalsoonida soo siiyay Zizou waxaana shabaqa si wadajir ah u gaadhay Isco iyo Falanqaynta Kulanka

Kulanka ayaa ku bilaabmay qaab ay labada dhinacba weerar is dhaafsanayeen iyadoo ay kooxda gurigeeda la joogay ee Madrid ahayd mida markasta kubadda ceshanaysa.

Maxi Gomez ayaa helay fursadii ugu horreysay ee halis ah isaga oo daqiiqadii 17-aad darbad madax ah ku bar-tilmaameedsaday goolka goolhaye Navas iyadoo goolhayahuhu uu badbaadin sameeyay.

Toni Kroos ayaa markiisa isku dayay inuu gaadho shabaqa Celta balse darbadiisa ayaa wax yar u martay goolka birtiisa sarre.

Marcelo Vieira oo kaddib mudo uu keydka ku jiray kulankan ku soo bilawday ayaa kubadda si xoogan uga laagay meel ka baxsan xerada ganaaxa waxaana markiisa badbaadin heer caalami ah sameeyay goolhaye Blanco.

Qaybta hore ee kulanka ayaa ku soo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah iyadoo labada dhinacba ay halista si isku mid ah u abuurayeen.

GOOL: Los Blancos ayaa gool la soo laabtay qaybta dambe ee kulanka, Isco oo uu kulankan niyad soo siiyay Zidane ayaa meel dhaw ka helay baas uga yimid Benzema waxaana uu si sahlan ugu qabtay kubadda goolka.

Gareth Bale ayaa daqiiqado kaddib goolka furitaanka isku dayay inuu hoggaan buuxa gacanta u soo geliyo Real balse kubbadd uu xerada ganaaxa ka dhex laagay ayuu qabsaday goolhaye Blanco.

Benzema ayaa markale ku dhawaaday inuu soo taabto shabaqa Celta Vigo balse waxa uu markale dhaafin waayay goolhayaha.

GOOL: Real ayaa heshay goolkeeda labaad ee kooxda oo ah mid ay kalsooni weyn ku heleen waxaana shabaqa gaadhay Gareth Bale oo qudhiisu dhibaato ku qabay tababarihii hore, Bale ayaa kubbadd uu ka laagay meel dhaw ka dhaliyay cidhifka hoose ee shabaqa.

aftahannews.com

LEAVE A REPLY