Berbera: Nin Diinta Kiristaanka Faafinayay Oo La Qabtay

0
689

Berbera (Hargeisa Press.com): Waxaa magaaladda Berbera lagu qabtay nin ajaanib ah oo la sheegay in uu faafinayay diinta Kiristaan, kaasoo qaybinayay kitaabka Masiixiga oo Af-Soomaali loo turjumay.

Ninkan oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa la sheegay in markii uu Somaliland soo geliyay in uu sheegtay in uu yahay nin ganacsade ah.

Ninkaasi oo muddo ku dhaw sanad ku sugnaa Berbera ayaa soo qabashadiisu ka danbaysay dabagal ay muddo dheer ku  hayeen maamulka gobolka Saaxil.

Iyadoo aakhirkiina ay cadaatay in ninkaas Maraykanka ah uu faafinayay diinta Kiristaanka.

Halkan Ka Daawo Warka Ku Saabsan Qabashadda Ninkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY