Berbera Isbedelka Qiimaha Xad Dhaafka Ah Ee Dhulkii Iyo Guryihii Ku Yimi Maxaa U Soboba ????

0
1571
Mawliid Axmed jibriil

( Himiladii cigaal hadaynaan hirgalin, Hamigu waa been ) Maanta waxa ay ku beegan tahay maalintii uu Geeriyooday Aabihii salka U dhigay Nabada iyo horemarka Dawladnimo ee aynu naaloonayno, Marxuun, maxamed xaaji Ibraahin Cigaal ilaahay janadii farduusa ha ka waraabiyo ee dhamaan shacabka soomaaliland waxan ka codsanayaa in loo duceeyo oo faataxada loo maro si ilaahay janada uga waraabiyo.

Inta ka dib, marxuun Cigaal waxan Aaminsanahay in aanu wali Dhiman inta nabad iyo horemar dawladnimo Sland ka jirto oo lagu xusuusdo Laguna xusuusan doono inta ay jirto sland.

Sida darteed, Marxuun Cigaal waxa uu Dhimanayaa maalinta sland tii uu dhisay waxyeelo soo gaadho ee muwaadin kasda oo marxuun cigaal jacayl maanka ha ku hayo ilaalinta sland iyo horemarkeeda.

Sido kale, Marxuun Cigaal waxa uu aad U jaclaa in maalgashi caalamiya loo helo sland waxa uu la heshiyay SHIRKADA TOTaL in Haamaha Barbara maalgaliso maadaama Haamaha badankodu ay fadhiyeen oo Daxal daldalooliyay, markii hashiiskii ToTal baarlamaankii sland U gudbiyay si ay Heshiiska U Ansxiyaan,

Baarlamaankii sland ee waqtigaa markii Cigaal Dareemay in diidan yihiin Heshiiska Total laakiin wali cod loo qaadi ayuu cigaal hadlay oo waxa ku yidhi, Waar TOTal ha ku soo daydaan Shirkadaha maalgashanaya sland ee Daaya oo Ansixiya !!!, baarlamaankii hadalkii cigaal waxba kamay soo qaadin oo way diideen in Heshiiska Total  in ay Ansixiyaan.

Marxuun Cigaal oo U hanwaynaa Qiimaha heshiiska Total dalka U leeyahay in ay maalgashadan go,aankii baarlamaanka codka Vito madaxwayne ayuu isku hortaagay oo Total sida ayay ku hawlgashay oo haamihii Kula wareegtay.

intaa hadan ku dhaafo xusuustii marxuun cigaal.oo aan U soo noqdo sobobta aan qalinka maanta U qaatay waxa jirta in magaaladii Barbara isbedel ku dhacay dhulkeedii iyo guryahedii burburka iyo bisaaradu ka muuqatay ayaa Qiimo xad dhaafa ku yimi oo aan hore loo arag, hadaba waxa iswaydiintu tahay maxaa U soboba ee keenay qiimahan Barbara ??

( Ninka raga wuu garanayaa, Nacaskana waa loo sheegayaa ), Hadaan ifdiimiyo oo Daaha ka faydo isbedelka barbar ee qiimaha U yeelay dhulkeeda Banaan iyo Guryaha Dunsan ama Dhisan waxa  kaw ka ah, HESHIISYADA XUKUMADA SLAND LA GASHAY DAWLADA EMARAADKA CARABTA SIDA SHIKADA MAALGASHIGA DEKADAHA CAALAMKA dpwarld iyo Saldhiga ciidamada ee dawlada Emaraadku ay ka kiraysatay Sland.!!!.

Soomaaliland naf iyo maal waxa loogu soo Huray siday U noqan lahayd qaran madax banaan oo Heshiisyo caalamka la gali karta wadamada caalamka haday maalgashi tahay iyo haday tahay iskaashiga siyaasada caalamka xidhiidhka ay la samaysanayso Albaabada siyaasadu way U furan yihiin.

Hadaba Sland wadamada caalamka heshiis caalamiya oo maalgashi oo ay gasho waa kaw wana heshiiska dawlada Emaraadka carabta la gashay, waxa heshiiska qiimihiisa la dareemayaa magaalada Barbara oo inta aanu heshiisku hirgalin dhulkedii qiimihiisu xad dhaaf noqday.

( geedaha waawayn inta aanu roobku da,in ayay sii magoolaan hadaba barbari qiimaha heshiiska ayay ku sii magooshay nin kasda oo aqligiisu fayaw yahay oo haromarka Barbara ama sland rabaa waa ogyahay inta wax loo sheegana ha ogadaan qiimaha heshiiska barbara u leeyahay ee loo wada dareemay.

FAA,IIDO INTEE LEEG AYUU SLAND U LEEYAHAY ?

Sland heshiiska heshiiska maalgashi ee dawlada Emaraadka la gashay waxa caalamka U cadeeyay in Qaran jira ay tahay oo dawladaha caalamka heshiis la gali karta oo aayaheeda ka talin karta.

Heshiisku waxa indhaha caalamka ku soo jeediyay sland oo ay iman doonto in wadamo kale ku soo dhiiradan in ay sland maalgashi ay ku samaysdaan sidii marxun cigaal odhan jiray total daaya ha lagu soo daydo shirkadaha caalamku ayaa hada taagan.

  INTA KA DIB, DAWLADA EMARAADKA MA KA GO,AN TAHAY HIRGALINTA HESHIISKU ???

Dawlada Emaraadka carabta waxa ku cadaynaya in heshiisku ka go,an yahay waxa ka hadlay lix wasiir oo qiimaha heshiiska ay sland la galeen cadeeyay iyo wasiir kasda waxa uu sland ka qaban doono ayuiu cadeeyay oo ay ku tiiqtiiqsadeen sida maalgalinta dekada Barbara, dhismaha wadada Barbara ilaa wajaale oo ay dhisayaan, warshada sibidhka oo ay Emaraadka iyo sland wada maalgashanayan suuqii sibidhka warshada Emaraadka ayaa sheegay in ay hayan waliba Emaraadku waxa uu sheegay in shaqaale dhan 20,000 ay shaqo ka helayan warshada sibidhka, in shaqaale Emaraadku ka qaadan doono sland in laydhka Tamarta loo samayn doono Barbara in waxbarashada iyo dhisida ciidanka qaranka wax wayn la qaban doonan in Bada iyo cirka sland ilaalin doonan haday cidu kaga soo duusho, waxan barnamujkan ka daawaday Tv,ha Emaraadka.

HADABA HESHIISKA WAXA DIIDAN INTA HOREMARKA SLAND DIIDAN ???!!

Sland himilada ay hiigsanayso cidna uga habranmayso heshiisyada lagu hormarinayo dalka iyo dadka waxana ka go,an in ay soo dhawayso cidkasda oo rabta in ay sland maalgashato.

Kuwa heshiiska cambaaraynayaa waa qaar hore marka sland diidan waa qaar wadamada sland diidan la shaqeeya oo maalgalin horemarka sland lagula dagaalamayo ka soo qaata ee danta Barbara iyo dadka reer midna uma  hadlayaan ee danta wadamada shisheeye ee tartanka horemarku ka dhexeey sland ayay la shaqeeyan waxana markhati ka ah raga ilaa cigaal heshiis kasda diida haday baarlamaanka tahay iyo haday siyaasi tahay maxay rabaan?.

Gudomiyaha baarlamanka sland ciro heshiiskii dekada ay dpwarld ku maalgalinaysay waa ogalaaday walaw maalintii la ansixinayay madaxa ka qarsaday oo xafiis xadhigs ka jarayay ku xigeenka ayaa golaha gudoominayay heshiiska lagu ansixiyau.

Sido kale, heshiiska saldhiga Emaraadka laga kireeyay waa ogalaaday waa,ayo hadii aanu ogalayn golaha baarlamaanka shirkii labada gole ay ku ansixinayeen heshiiska golaha baarlamaanka ma kenan lagu ansixinayo heshiiska, laakiin dhagax ayuu laba shimbirod kuwada dilayay, waxa rabay in heshiiska saldhiga la ansixiyo waxa kale oo rabay in dadka reer saaxil tuso in heshiiska diidan yahay si codka iyo taageeradooda U helo hada xisbigii wadani waa wada fadhiyay oo ansixiyay heshiiska dhamaantood ciro waa diiday aqliga ma gasho.

  BARBARA XUKUN MAALGASHI IYO SALDHI MIDNA LAGUMA QAADAN KARO!!!,

  1. Sobobtoo ah, Barbara hadii xukun, maalgashi iyo saldhig lagu qaadi karayo waxa qadan lahaa Turki, masar, ingiriis, maraykan iyo Ruush oo qaar ay zoo xukumeen qaarna ay zoo maalgaliyeen qaarna saldhig milatari laga zoo kirayay, waxa uga hadal liitay ka yidhi hablaha naga xumanaya oo markii hore ee maraykanka iyo ruushka laga kirayay saldhiga maxay u xuman wayen hablaha ayan la ceebayn Aran iyo Emaraadku Elatariya in ay wada degan yihiin cidi ma ku sheegtay.

Inta ka Sakaw, Barbari ma dhimanayso laakiin dadka ilaahay ku beeray ayaa dhimanaya waxa mihiim ah in dadku khayraadka ilaahay Barbara siiyay ka faa,iidayso oo loo maalgaliyo oo cidkasda oo maalgalinaysa la zoo dhaweeyo waxa uu ka qabto Barbara iyo cida ku nool ayaa iska leh oo looga tegayaa siday kuwan horeba uga tegeen.

Isku zoo wada duuboo, Barbara iyo shacbigeedu wax badan ayay shacbiga sland dusha ku sideen laakiin hada waxa soo dhawatay waqtigii shacbiga sland Barbara iyo shacbi igeeda dusha ku qaadi lahaa, waxa U horseed ah maalgalinta dpwarld ay ku samaynayso dekada Barbara waxana shirkada dpworld ku lamaan ilaa 2000 oo shirkado yaryar oo ka hoos shaqeeya, sido kale ciidanka saldhiga cida U shaqaynaysa waa saaxil hantida ciidanku isticmaalayo halka uu ku istimaalayaa waa Barbara oo suuq helaysa oo dhawaan noqan doonta magaalada sland uga camiran uga qaalisan Lana muuqaal noqan doonta wadamada khaliijka ee ayaa hadalada mucaaridka wax wayn loo arkin..

Gaboabo, bani aadamka haduu wax qabto waala dhiiri galiyaa ee Xukumada mwayne silaanyo heshiiska caalamiga  ah wan ku amaanayaa waana wax taariikhda ku galidoona sido kale, waxaan Taageero wayn U dirayaa safiirka sland ee Emaraadka Baashe Cawil oo ku guulaysday Heshiiska sland iyo Emaraadka ay wada galeen waa heshiiskii kowad ee sland caalamka la gasho oo aad ka zoo midho dhalisay  taariikhda ayaa lagugu suntayaa laakiin dadkenu inta qofku xilka haya kuma amanaan.

Qaar badan ayaa markay akhriyan maqaalkan waxa ay odhan doonan madaxtoyada ayaa zoo maalgalisay fikradaydan waxan ka cudurdaranayaa in aan sida lo qadan, xukumadani intay jitay madaxtoyada ma galin kumana xidhni ee waa qiimaha heshiiska oo ee muuqda, xukumadihii hore marar ayan Badhasaab U holaday lakiin xukumadan markay xukunka qabatay shirkadaha wadanka uga wawayn ayaa maamulayay hada waashmaan ayan nin qurba jooga U ahay mana niyad jabin oo waqtigayga ayan sugayaa xalada hose fariinta sawirka maqaalka la socda ayaa gudbinaya. hadaba waxan hadalka ku soo gunanaday cigaal himiladisii haday naan hirgalin hamigu waa been.

Mawliid Axmed jibriil

E_—–  xaqsheeg@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here