“Beesha Caalamka Waxaanu Leenahay Yaan Layska Indho Tirin Dulmiga Socda ee Umadda Reer Falastiin Lagu Hayo” Madaxweyne Xigeenka Somaliland

0
1226

Madaxweyne ku xigeenka SomalilandHargeysa,(HargeisaPress) — Xukumadda Somaliland ayaa markii u horaysay si adag u cambaaraysay Weerarada iyo Dilka foosha xun ee Yuhuudu ku hayso Shacabka Reer Falastiin.

Madaxweyne xigeenka Somaliland, ahna kusimaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Saylici ayaa Shacabka Somaliland u soo jeediyay in dhibta lala dareemo Muslimiinta Falastiin.

“Sida aynu la socono shacabka reer falastiin oo dad muslimiin ah waxa ku socda xasuuq, waxaanu aad u canbaaraynaynaa falalka ay yuhuudu kula kacayso shacabka reer Falastiin.Waxaynu nahay dad Muslimiin ah, waxaa inagu waajib ah inaynu dhibaatada la dareeno. Waa dad muslimiin ah oo walaalaheen ah, waynu u ducaynaynaa in Illaahay dhibaatada ka dul qaado ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka oo Dadweynaha kula hadlay Salaadda Ciida.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland waxa uu ku baaqay in dadka Shacabka ah laga daayo Diyaaradaha iyo Dabaabadaha lagu duqaynayo, islamarkaana aanay Caalamku iska indho tiring xasuuqa Yuhuudu wado.

“Waxaan leenahay dadka  maatida aan waxba galabsan ee lagu garaacayo diyaaradaha iyo debaabadaha  ha laga daayo,waanan ka soo hor jeednaa, waxaanan leenahay ha laga daayo dadka maatida ah dilka foosha xun ee loo gaysanayo . Beesha caalamka waxaanu leenahay yaan layska indho tirin dulmiga  socda ee umada reer falastiin lagu hayo”

Israel Xasuuq Qaawan ka wada Marinka Qaza, kaasi oo ay ku dhinteen Falastiiniyiin ka badan 1,200, waxaa ku dhaawacmay inka badan 6000.  Israel waxaa kaga dhintay 43 Qof oo laba ka mid ahi Shacab yahay inta kalen Askarta dagaalka ku jirta.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here