Beesha Baha Cali Ee Jibriir Abokor Oo Furayaasha Toban Gaadhi Iyo Toban Xafiis Ku Wareejisay Gudida Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka Gabilay.

0
1319
Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) PHOTO FILE

Gabiley,  (HargeisaPress) —Beel Waynta Baha Cali ee Jibriir Abokor ayaa maanta ku wareejiyay gudida ololaha Xisbiga Kulmiye furayaasha toban gaadhi iyo toban xafiis oo ku kala yaala magaalooyinka Gabiley, Goray, Boqor, Mataan, Kalabaydh iyo Maagalo Almis (kaantaroolka).

Munaasiabada lagu wareejinayey furayaasha gaadiidka iyo xafiisyada xadhiga laga jaray oo lagu qabtay magaalada goray ayaa waxaa kasoo qayb-galay, gudoomiyaha gudida ololaha xisbiga Kulmiye, badhasaabkii hore ee gobolka Gabiley ahna xubin ka mida gudida ololaha, Qurba-joogta.

Xisbiga, gudoomiyaha beeshaasi, cuqaal, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale. Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Jiif-caaqilka Beel-waynta Baha Cali Chief-Caaqil Cabdi Aw Cumar Warsame oo ka waramay inaan taariikhda hore loogu arag meel ay beeshiisu ku kala

baydhay maantana ay ka midaysan tahay taageerada xisbiga Kulmiye. Sidoo kale waxaa uu caaqilku sheegay inaanay maanta is baranayn beeshiisa iyo musharaxa xisbiga Kulmiye mujaahid Biixi Cabdi. Chief-Caaqilka beeshaasi oo ka waramaya aqoonta uu musharaxa xisbiga

Kulmiye u leeyahay beesha uu hogaanka u yahay isagoo arintaa ka waramayana waxaa uu yidhi “Beel-waynta Baha Cali aqoon buuxda ayay u leedahay Mujaahid Muuse Biixi, Muuse Biix na aqoon la mida ayuu u leeyahay beel-wayta Baha Cali, taasina waa ta keentay in

beel-waynta Baha Cali oo mid ahi ay taageero la garab istaagto Muuse Biixi…” Gudoomiyaha Gudida Wadajir ee beel-waynta Baha-Cali Mr. Maxamuud Maxamed Ciise Dhargiiye ayaa ka warbixiyey deeqda iskugu jirta gaadiidka iyo guryahay ee ay beeshiisu ku wareejisay

xisbiga Kulmiye waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Ujeedada ka dambaysa wareejinta xafiisyada iyo gaadiidka ee aynu xafladan iskugu nimid waa kalsooni aanu ka qabno aqoontooda, kartidooda iyo daacadnimadoodaba labada musharax ee Muuse Biixi iyo C/raxmaan Saylici.

Sidoo kale waxa iyana madasha ka hadlay agaasimihii hore ee macdanta iyo biyaha Axmed Ibraahim Suldaan, Maayarkii hore ee degmada Gabiley Aadan Muxumed Badde iyo Siyaasi Cismaan Yuusuf Xuseen (firixfirix) kuwaasi oo dhamaantood iska daba maray taageerada iyo cududa ay beel-waynta Baha Cali u hayso xisbiga Kulmiye iyo musharixiintiisa. Waxaa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gudida ololaha gobbolka Gabiley ee xisbiga Kulmiye Dr. Cabdi Wali Sh. Cabdilaahi Suufi, Badhasaabkii hore ee gobolka Gabiley

ahna xubin ka mida gudida ololaha xisbiga Kulmiye Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib), Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Finland Axmed Cabdilaahi Khaliif iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Cardiff – Uk Aamina Aw Jaamac ayaa iyaguna dhamaantood ka mabsuuday sidoo kale na soo dhaweeyey deeqda ka kooban tobanka baabuur iyo tobanka guri ee Beel-waynta Baha Cali ugu deeqday xisbiga Kulmiye. Beesha Baha Cali ayaa noqonaysa beeshii ugu deeqda badnayd gobolka Gabiley tan iyo intii beelaha gobolka Gabiley ay deeq ku wareejinayeen xisbiga Kulmiye iyagoo isla goobta ku wareejiyey furayaasha toban baabuur iyo toban xafiis oo aan hore u dhicin.

LEAVE A REPLY