Beesha Akisho oo $9000 ku wareejisay Guddida wadada alaybaday

0
3145

Hargaysa-salaadiinta odayaasha iyo culimada beesha akisho ayaa lacag dhan $9000 ku wareejiyay Guddida wadada allaybaday, wadadani waxay halbawle u tahay isku xidhka deegaanada alaybaday hoosyimaada waxaa halkaa ka hadlay

Sh mohamed sh ismaaciil sh xasan wuxuu si balaadhan uga hadlay muhimada sadaqadu leedahay iyo in dalkaaga aad deeq iyo dhidid u hurto

Agaasimihii hore ee madaxtooyada Khadra xaaji gaydh ayaa iyaduna soo dhawaysay sida hagarla’aanta leh ee beeshu deegaankooda uga qayb qaadato.

Gunaanadkii waxaa halkaa ka hadlay Suldaan Abshir xasan waxaanu sheegay wadadan iyo faaidada ay ulahayd waraabka,xoolaha iyo dadkaba waxaanu halkaa ku wareejiyay lacag dhan $9000 guddida wadada allaybaday

Hargeisapress Main office

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here