Beerkii Hillibka Lagu Sugaayey,W/Q; Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle)

0
180

Waxaa jirtay wakhti aan sidaas u dheerayn oo wadanka ay ka talinaysay xukuumadii UDUB inay ina soo mareen waxbadan oo lagu xasuusan karo oo aay qabatay, iyo waxbadan oo sababay markii danbe inay kuba guul daraysato inay wadanka sii hogaamiso, hadana inkastoo lafteedu lahayd dhaliilo waaweyn oo dibin daabyo farabadan shacabka u gaystay hadana balaayaba balaayo kale ayey ka subxaanalaysataaye waxaa yimi waxbadan oo aan la filayn, sidii abwaankii waynaa saarkaalkeenii sare ee cidamada ilahay naxariistii jano haka waraabiye jeneral Cabdi Malaw (gaajada ka baxbaan guntiga u xidhee ma maantan galay geerashkeedii) ana waxaan leeyahay qabyaald ka bax baan xusbiyada udhistee ma maantan galay geerashkeedii, hadaba markay taasi taas tahay hadana waxaa lama ilaaban ahaa in xusbigii UDUB dadaalo farabadan dabadoood iyo xeel-dheerayaal wakhtigaas ka talinayayey siyadasada qaranka gaar ahaan ta arimaha dibada in siyaasadu gaadhsiisnayd in Somaliland u ekaato cadceed kazoo baxday afrika dhexdeeda, tasoo awoodeeda siyaasadeed u saamaxday in shirarka caalamiga ah dhexdooda ka dhex ololayso, qadiyadeeda gaar ahaaneedna u xanbaariso wadamo farabadan oo ka jira qaarada oo dhan, taasoo wakhigtaas caqabad wayn ku ahayd dawlada somaliya una arkaysay in siyaasada Somaliland albabada u laabayso danahooda wadan ee ay ka lahaayeen Africa iyo caalamka intiisa kaleba. Waxaan in yar aan isdul taagilahaa oo aan inooga bahnayn xasuusin farabadan, dhibaatadii loo soo maray halgankii qaadhaadha iyo siday ku timi somalilandnimadu. Wadankani waxa uu iska soo daba dhaxlay, dhib, gaajo, khasare dhaqaale,iyo mid dhimasho,intaba ayey ku timi qaranimadan ,aaynu maanta dul taxtaxaashayna. Waxaa kaloo intaas ku dheer dhibta aan wali laga soo boogsan, waxaa wali wadanka jooga ,dadkii sida guud iyo sida gaar ahba ay u samaysay dib ula soo noqoshadii qaranimadu ,oo aay u dheertahay in aay gaajo iyo daryeel la,aan ay ku hayso wadanka gudiihiisa taaso curadadoodii dhibta ka saari lahaa ay ka hooseeyan, madaxbanaanida awgeed, kuna dhinteen xornimadii wadanka ,laakiin dadkaasi waxaay mar labaad ku qanacsan yihiin inay ku gaajoodan wadankoodiii hooyo oo xora. Hadaba markay caynkaasi tahay siday isu daboolaysa siyaasadan marinkeedii seegtay iyo shicibkan wax kastoo adag oo yimada diyaarka u ah inay ugu samraan ka midha dhalinta inay helan qaran ka mida qaramada midoobay, kuna badashan wax kasto ka horyimada awood kasta oo ay wax iskaga caabiyi karaan.Dadkaas aan kor kusoo xusay masiiibadoodu miyaanay ahayn waxaay dhibtaas iyo samirkaas wali tagaan u soo mareen, in aayar lagu jeesjeeso ,ama sidii mahmaahdii somaliyeed oo kale wax u eeg subax walba waagu ugu baryo ,(caruurna waa ku dheeldheel mulacna waa ku qudh gooyo) Hashu maankaygii gade ma maansaar bay liqday Waxaa mahmaahdas ka dhigan siyaasada arimaha dibada ee Somaliland oo, markasto wax inala soo darsan xukumadeenu waxaay bixinaysaa sawir aduunyada u caydaynaya in Somalilandnimadu tahay (beerkii hilibka lagu sugaayey) Waayo? mudooyinkii ugu danbeeyay jahawareerkii siyaasadeed ee wadanka ka dhacay iyo masuuliyad daradii inala soo daristay may ahayn wax aduunwaynu inagu yiqiinay amaba somalida inteeda kale ee cadawga inagu ahi ay inaga malaysanaayeen ,laakiin aduunyada iyo cid kasta waxaay ku noqotay inaynu noqonay. (Canbe si fiican u bislaaday oo jooga waxkhtigii la cuni lahaa), waxaan ku soo gababaynayaa qormadan su,aal wadareed ku socota shacabka reer Somaliland oo ah. 1.     Ma waxaa la gaadhay wakhti aynu odhan karno waa, saacadii wadankani aanu dhafi kari jirin oo waxaay Somaliland maraysa bisaaylkii u danbeeyay? 2.     Mise xukuumadeena ayeynu ku tilmaana in ay noqotay mid ku guuldaraysatay siyaasadii dibada, oo saceedii dibi dhalay? Side ba lagaga bixi karaa waayahan qalafsan? Waxaa lagaga bixi karaa waay fududahay, waayo wakhti kastoo aduunyada soo mara ALLE waxa uu adunyada soo raaciya ,cidi sabab u noqon lahayd samata bixinteeda ,laakiin intan danbe ,wakhti waliba waayihiisa lehe ,waxaad mooda ,wax badan oo dhaqanka dadkan aan ku jiri jirin oo ceeb ka ahaan jiray inay si fudud isaga xalaaloobeen , si kastoo ay tahayba hadana, ALLE waxaa uu ina yidhi ha ka quusanina nimcadayda cadaabkayguna waa uu daran yahay ,haday tahay taasi lama dhaafankii waxaa inala gudboon xal u helida waayahan inagu gadaaman ee ay ugu wayn tahay ,waxii wiil iyo walaal ba lagu seegay ,inay noqoto wax loo eekaysiiyo hal baacad lagu lisay. Hadaan dib u jaleeco su’aashii miiska saarnayd,kuna daro rayiga aan arintaa ka qabo iyadoon aan ku nasbayn doono caqli fayoow oo ujeedada ka danbaysa tahay dad iyo dal jacayl kuna fadhiisin doono inay wax inoo wada hagaagan. I.           Waxaan ku riixayaa xukuumada Somaliland inay ku dhiirato inay shirwaynihii qaran ee ay hore ugu balanqaaday qabsoomo,iyadoo kaashanaysa ,ururada bulshada golayaasha qaranka ,aqoonyahanka, iyo sadexda xusbi qaran ee wadanka ka jira ,iyadoo cadaaladana iidan uga dhigaysa ,arimahan iyo waxii kale ee dhigooda ahba. II.           Haday arintaasi noqoto mid xukuumadu ka biyo diido sidii ka muuqatay dhaqdhaqaaqi ay ina tustay maalmihii u danbeeyay ,shacabku xil wayn ha iska saro inay qabsadan shirwayne qaran oo magaciiso yahay ,(GURMAD QARAN) , waayo markasto talo timaado ilaa halgankii SNM na dhaho waxaa jirtay talo shacab oo wax lagu xaliyo markaay ,yimadan wax dhibaato gaadhsiin kara jiritanka qaranimada. III.           Xukumadu mar labaad iyo mar sadexaadba gudaheeda ha saxdo. IV.           Labadii gole qaran ee dastuuriga ahaa ee lasoo doortayna inay fadhiga ka kacaan dhaliisha xukumadana daweeyan waayo iyaga ayaa loo igmaday toosinta iyo la shaqaynta arimaha qaran ee hadba la soo darsa xukumada, gaar ahan arintan danaha ka dhaxayn kara Somalia iyo Somaliland ee xukumadeeni ku beertay kalsooni darada xaga caalamka kaga socota ,ee ay astanta u noqotay inay xukuumadii ku dhacdo kala hadal aan xad lahayn iyo ka fiiirsi la,aanta,iyo qorsha xumada ka muuqata safaradeeda dibada, oo maruun ha dhigaan dantooda gaarka ah, iyada oo ay wajibtahay inay ku badalaan inay dhayaan boogahan intii danbe xukuumadan lagu hungoobay damqaysay ee samirka lagu bogsiinayey. Waxaan hadalkayga kaga baxayaa kuna sifaynayaa xusbigan talada haya anigoo daliilna ka dhiganayaa xusbigii ka horeeyay. (Salaamu laah calaa xujaaj) W/Q; Cabdilaahi Cismaan Cabdi ( Cabdilaahi Gadhle)

LEAVE A REPLY