BBC-Soomaali: Weriyeyaal Af-soomaaliga ka Arradan W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
297
Cali Cabdi Coomay

Milicsiga waayihii ay soo martay Idaacadu

18/7/1957-kii ayaa ahayd markii la furay BBC-da, ka dib waxa ay codsi rasmi ah u soo qoratay Radhyow Hargaysa oo ka da’weynayd lana furay sannadkii 1941-kii, iyada oo ka dalbanaysay laba xubnood oo muusiga ah oo ay furitaan uga dhigto idaacada BBC-da. Idaacada BBC-da laanta Af-Soomaaliga wax hal-mar la wada furay laba laamood oo kala ahaa, Laanta ku hadasha Afka Hause oo dalka Naygeeriya lagaga hadlo iyo  laanta ku hadasha Afka Sawaaxiliga oo Bariga Afrika lagaga hadlo. Sababtii loo furay Idaacadda BBC-da laanta Af-soomaaligu waxa ay ahayd sidii looga hortegi lahaa Idaacad gumeysi-diid ahayd oo ka furnayd dalka Masar gaar ahaan Qaahira, oo magaceeda la odhan jiray “Sowtul-carab minal Qaahira”, oo dadkuna aad u dhegaysan jiray. Wixii faahfaahin ah ka eeg, Dhaxal-reeb labaad, Boobe Yuusuf Ducaale 2015.

Weriyeyaashii hore ee ka hawgeli jiray idaacadu waxa ay ahaayeen qaar xul ah oo hodan ku ah afka soomaaliga iyo dhaqanka soomaalida ku dhaqan geeska afrika, suxufiyiintani intooda badani waxa ay ka iman jireen idaacadd Radhyow Hargaysa oo ka da’weyn idaacadda BBC-Soomaali, markii dambe ee la furay Radhyow Muqdisho ayaa qaarkood ay iman jireen BBC-Soomaali, markaa idaacadda waxa loo soo xuli jiray suxufiyiin lagu xushay aqoon, codkarnimo, cod macaani iyo karti shakhsiyadeed. Suxufiyiinta aan lahayn cod toosan ama hadalka jarjara looma ogolayn in ay ka hadlaan idaacadda, waxaana la odhan jiray wuxuu leeyahay codkii Habraha, sida uu ii sheegay Maxamed Cali Weji, oo goobjooge u ahaa arrimahaasi, haldoorkaasi suxufiyiinta ah waxa aynu ka xusi karnaa kuwan :

Maxamuud Xasan (odaygii weynaa), Maxamed Xaamud Sheekh, Jawaahir Saleebaan Cilmi, Mustafe Shaafi, Maxamed Axmed Haydara, C/laahi Xasan Fadal, Saleebaan Barkhadle, Shamsa Baybuuk, Maxamuud Cabdi Cali (Ducaale) iyo Yoonis Cali Nuur.

Wakhtigii Yuusuf Garaad Madaxa ka ahaa 1999 ilaa 2012

Waxa la yidhi” Wax kasta oo dunida ku sugan waxa ay leeyihiin weji fiican iyo mid xun, miisaanku hadba dhanka uu u ciiro ayaa loo nisbeeyaa”. Hoos u dhicii ugu horreeyey wuxuu bilaabamay wakhtigii uu madaxa ka noqday idaacadda Yuusuf Garaad oo ahayd sannadkii 1999, wuxuu markiiba qaaday tallaabo ka yaabisay dadyowgii afsoomaaliga ku hadla ee degan geeska afrika, wuxuu shaqadii ka caydhiyey haldoorkii suxufiyiintii Soomaalida ee magacyadooda aynu xagga sare ku xusnay, waxaanu shaqada qoray weriyeyaal ay isku-deegaan yihiin, oo uu qaab reernnimo u qoray, oo ay ka mid ahaayeen:

Max’ed Maxamuud Cadde, C/rahman Koronto, Kaati Ciise, Max’ed Ibraahim Macalimow, Ahmed Cabdi Nuur, Farxaan Max’ed Jimcaale, Max’ed Maxamuud Dhoore, Yusuf Xasan iyo Aamina Muuse Weheliye.

Waxyaabihii Shaqada lagaga eryey

Yuusuf Garaad oo ahaa tifaftirihii laant af-soomaaliga ee BBC ayaa baadhitaan dheer iyo ashkatooyin badan oo lagu soo oogay ka dib, waxa lagu eedeeyey qoddobadan, oo uu shaqadii ku waayey:

=Xil gudasho la’aan dhinaca tifaftirka wararka ah, isagoo Somaliland iyo qabiilooyinka Soomaaliya qaarkood wararkooda aan soo deyn jirin, oo hoosta dhigi jiray.

=Musuqmaasuq- wuxuu qoray Foojaro badan oo been abuur ah, kaasi oo uu ku qaatay lacag ka badan intii uu ahaa kharashka loogu talogalay

=Shaqaalaha idaacadda oo uu u kala eexday, qaarna soo dhawaystay, qaarna fogeeyey.

=Hoos u-dhac ku yimid tayadii iyo dhegaysigii laanta A-Soomaaliga ee BBC-da

=Shaqaalihii hore ee BBC-da oo qaarkood maxkamad ay isla-galeen, iyagoo ka cabanayey inuu  qaab-xaafadaysan uga eexday kuwii ay isku reerka ahaayeen.

Maxaa Keenay in Nayroobi loo raro?

Sababta keentay waxa ay ahayd kharash dhimis lagu samaynayey laamo badab oo hoos iman jiray guud ahaan BBC-da adduunka la hadash, waxa ka mid ah laantii af-Hindiga iyo laamo kale oo waxa loo raray meelo ka tirsan dalalkooda oo ka kharash yar, taasina waxa ay saamaysay laantii af-soomaaliga ee BBC, markii go’aankaasi soo baxay waxa ay madaxdii sare ee BBC is-weydiiyeen, bal cidii madax ka noqdon lahayd maadaama oo soomaalidii hore madax uga noqotay ay qabyaalad geliyeen shaqaalaysiintii idaacadda iyo wararkii oo aan dheellitirnayn, dabadeedna waxa la go’aamiyey in sideedii hore lagu soo celiyo oo qof aan soomaali ahayn madax looga dhigo, sidaasi ayaa Nayroobi loogu raray, oo loo hoos geeyey laanta af-sawaaxiliga iyo habarta dhukuran ee Kaaroliin la yidhaa. Nin hooyadii ka guuray edadii uma hoydo.

Ka dar oo dibi dhal, iyaduna dabkii baxayey ayey shidaal ku sii shubtay, oo qaabkii shaqaalaysiinta waxa ay ka miistay dhinaca kale oo qalloocan, oo Soomaalida Kiiniya oo markoodii hore ka arradnaa luuqada af-soomaaliga iyo dhaqanka soomalida ayey ka qoratay weriyeyaal, waxa kale oo ay mihiimada siisay soomaaligii si fiican ugu hadla Afka sawaaxiliga markiiba hore ayey shaqada ka siisa, waan ta keentay inay idaacadu u gacangasho sawaaxiliyiin af-soomaaligu luuqadii labaad ku yahay. Qaarkood markay warka ama Barnmaamijyada soo jeedinayaan waxaad moodaysaa in ay ooyayaan cod xumo awgeed.

Sawaaxiliyiinta Weriyeyaasha ah ee Nayroobi laga qoray

Xasan Cabdullaahi Haybe, Ahmed Xaaji Xassan, Cabdifitaax Ibrahim Cagayare, Cabdirisaaq Catoosh, Cabdullaahi Sheekh, Faarax Lamaane, Fardowsa Maxamed Cilmi, Maxamud Cali, Maxamed Cabdiraxmaan, Suhayba Mohamed Badqas, Axmed Badar, Bashiir Maxamed Caato iyo Xasan Cali Geelle

Af-Soomaaliga Qalloocan ee ay Adeegsadaan

Erayadan waxa aan diiwaangeliyey muddo lix bilood ah oo aan si joogto ah u dabasocday adeegsiga erayada toosan ee suxufiyiinta.

Afka Qalloocan                                                           Afka Toosan

Roobab ka dillaacay Soomaalilaan…………………………..Roobab ka curtay

Diyaarad raqdeedii……………………………………………Diyaarad burburkeedii

Wasiirayaal……………………………………………………Wasiirro

Naagayaasha Nayroobi………………………………………Naagaha Nayroobi

Nimanyaal…………………………………………………….Niman

Madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed…………………Madaxweynaha Soomaaliya

Shacab iyo dadweyne………………………………………..Dadweynaha

Degmada Baliga_Dhiiga……………………………………..Degmada Bali-dhiig

Hargab ayaa ku dhuftay……………………………………..Hargab ayaa ka dillaacay

Wadanyaasha………………………………………………….Wadayaasha

30 ilmood………………………………………………………30 carruura

Deegaanyaasha………………………………………………..Deegaanada

Beero dabar’go’ay……………………………………………..Beero xaalufay

Gaadhiyaalka……………………………………………………Gaadhiyada

Markab quusay…………………………………………………Markab degay

Weriyaheenna………………………………………………..Weriyahayaga

Qaad cunayaalka…………………………………………….Qaad cunayaasha

Dad la weysan yahay………………………………………..Dad la waayey

Aan idiin ciyaaro……………………………………………..Aan idiin saaro

Kooxaha Badbaadiyaasha…………………………………Kooxaha gurmadka deg-dega

Xeryoyaal…………………………………………………….Xerooyin

Tuulayaasha…………………………………………………Tuulooyinka

Diyaarad baadi ah…………………………………………..Diyaarad la la’yahay

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

LEAVE A REPLY