BBC Oo Shaacisay Gabdha Ku Guulaystay Tartanka Gabayadda

0
237

Jabuuti (Hargeisa Press.com): Munaasibad lagu shaacinayay saddex hablood ee ku guulaystay abaal-marinta laanta Af-Soomaaliga ee BBC ee gabdhaha  hal-abuurka suugaaneed leh ayaa maanta lagu qabtay magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalka jamhuuriyadda Jabuuti.

Tartankan gabdhaha Gabya oo ah kii saddexaad ee ay qabato laanta Af-Soomalaiga ee BBC waxaa ka qayb gala hablaha Soomaaliyeed ee leh curinta Gabayadda ee da’doodu u dhaxayso 16 jir ilaa 35 jir.

 

 

Waxaana tartankaasi markii u horaysay sanadkii 2017-kii  lagu qabtay magaaladda Hargaysa, halka sanadkii 2018-kiina lagu qabtay magaaladda Garoowe, iyadoo kan maanta lagu qabtay magaaladda Jabuuti uu noqonayo kii saddexaad.

Kaalinta koowaad ee abaal-marinta tartankaasi gabayadda waxaa ku guulaysatay Kaltuun Naasir Xuseen, oo ka socotay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Kaalinta labaad-na waxaa gashay Falastiin Khaliif Yuusuf, oo ka soo jeedda magaaladda Muqdisho. Halka saddexaad ya ku guulasatay Rooda Xasan, oo ka soo jeedda Hargaysa. Inkastoo aanay gabadhaasi joogin xafladda.

Munaasibadii abaal-marinaha lagu guddoonsiinayay saddexdii gabdhood ee tartankaasi ku guulaystay waxaa  ka mid ahaa wasiirka arrimaha diinta, awqaafta iyo  dhaqanka  ee dalka Jabuuti  Muumin Xasan Barre iyo wasiirka arrimaha haweenka iyo qoyska dalka Jabuuti Muumina Maxamuud Xasan.

Tifaftiraha laanta Af-Soomaaliga ee BBC C/laahi Sheekh Cabdirasaaq, danjireyaal reer Jabuuti ah, abwaaniin, fanaaniin iyo marti sharaf kaloo badan.

C/laahi cabdi Sheekh, tifaftiraha laanta Af-Soomaaliga ee BBC oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in sababta ay xusheen in sanadkan ay xafladan ku qabtaan ay tahay iyadoo Jabuuti.

“Waa markii saddexaad ee aan barnaamjikan qabano. laba jeer oo hore ayaanu soo qabanay. Marna Hargaysa ayaan ku soo qabanay, marna Garoowe. Imikoo ay sanadkii saddexaad tahayna waxaan nimid Jabuuti.

Jabuutiwaxaan u xulanay,  ee aan safarkan u soo galnay  waxaanu Jabuuti ku aragnay dad dhaqanka jecel, ciyaarihii dhaqanka oo halkan (Jabuuti) ku hadhay, gabayadii, fanaaniintii, abwaaniintii, oo dhamaantood heerkoodu aad u sareeyo”.

“Markaa munaasibadan aan hablaha ugu tallo-galnay, ragg badan ayaa I waydiiyay maxaad ragga-na ugu dari waydeen? Markaa waxaan idhi markii hore-ba Afka waxaa la yidhaahdaa Afka hooyo. Markaa haddii uu afkii hooyo ka bad-baado, macnaheedu waxa weeye wuu bad-baaday.

Sidaas darteed ayaanu ugu qabanay hablaha da’da yar, ee da’doodu u dhaxayso 16-ka ilaa 35 inta u dhaxaysa ayaan tartanka u qabanay”ayuu yidhi Cabdulaahi Sheekh.

Waxa kaloo uu ka hadlay hanaanka lagu kala xulay gabdhihii tartankaasi ka qayb galay, waxaanu yidhi  “Halkan waxaa lagu abaalmarin doonaa, gabdho Soomaaliyeed oo muujiyay hal-abuurnimadoodda iyo codkarnimadoodda.

Dabcan, qaabka loo soo xulayna waxay tahay,  dadka soo codsaday ee gabayadda soo qortay 100 ayay ka badnaayeen.  Laakiin, magacyadii inta laga saaray ayaa gabaygii oo keliya oo lanbarro leh, ayaa loo gudbiyay guddigii kala xulaysay.  Kadib gabayadii ay soo xuleen, ayaa magacyadii lala doontay”.

Wasiirka arrimaha haweenka iyo qoyska Jabuuti marwo Muumina Maxamed Xasan, oo xafladaasi hadal ka jeedisay ayaa ka hadashay muhiimadda ay leedahay  ilaalinta Afka hooyo.

Muumina Xasan, oo arrimahaas ka hadlaysayna waxay tidhi  “Waxaa horumar la gaadhaa marka la ilaashado afka hooyo, dhaqanka iyo diinta. Fanaaniintu-na halkaas door muhiima ayay ka qaataan. anigu waxaan leenahay horumarku waa marka aasaaska saddexdaas shay la ilaashado.

Hablaha maanta hadiyadda la siinayo, ee tartanka ka qayb galay, oo kolay wax qurux badan sameeyay. Waxaan leeyahay hambalyo”.

Geesta kale wasiirka arrimaha diinta iyo dhaqanka dalka jamhuuriyadda Jabuuti Muumin Xasan Barre, ayaa halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi  “Waxa laga hadlayaa waa afkii hooyo, oo ku salaysan Gabay. Afka hooyo haddii aanu qofku af lahayn, waa sida Looxa oo kale.

Afafka aduunku way fara badan yihiin, afka hooya-na waa kaa hooyo loogu magac daray, hooyada-na qiimaheedda iyo halka ay inaga taagan tahay-na waan naqaanaa”.

Wasiir Barre, ayaa sidoo kale ka waramay kaalinta ay dawladda Jabuuti ka qaadatay ilaalinta iyo horumarinta afka.“Haddii aan ahay wasiirkii dhaqanka, oo in yar is-dul taago waxa Jabuuti uga qabsoomay xagga dhaqanka. Wax badan ayaana noo qabsoomay, oo ay ugu horayso ilaalinta afka hooyo, oo ay ugu horeeyaan af-Soomaaliga iyo af-Canfarigu.

Waxaana Jabuuti lagu aasaasay labadda urur ee Canfar Pen iyo Soomaali pen, oo ah laba urur oo ka shaqeeya ilaalinta afafka.

Waxa kaloo jira iyag-na laba akaademi oo afafka ilaaliya, oo kala ah akaademiga af Canfariga iyo akaademiga af Soomaaliga. Waxa kaloo iyana dhawaan la furi doonaa magtabadii qaranka, oo aad iyo aad u weyn”ayuu yidhi wasiirka arrimaha diinta iyo dhaqanka Jabuuti .

Dhinaca kale intii ay socotay xafladaasi  waxaa laga qaaday heeso Afafka Canfarta iyo Soomaaliga isugu jiray oo ay qaadayeen  fanaaniinta reer Jabuuti.  Iyadoo sidoo kale-na ay abwaaniin ka jeediyeen gabayo ka hadlayay qiimaha uu leeyahay afka hooyo.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY