Yaya Toure Oo Ku Guuleystay Abaal-Marinta BBC-Da Ee Cayaartoyda Afrika Ee 2015-Ka + SAWIRRO

0
1366
Yaya Toure

HargeisaPress — Yaya Toure ayaa ku guulaystay in uu noqdo cayaaryahanka kubadda cagta africa ee sanadka 2015 ee BBC ay bixiso.Cayaaryahanka 32 jirka qadka dhexe uga cayaara xulka qaranka Ivory Coast, wuxuu noqonayaa cayaaryahankii sadexaad, waxaa ka horeeyay oo kaliya Nwankwo Kanu iyo Jay-Jay Okocha, oo midkiiba uu laba jeer helay abaalmarinta.

 

Taageerayaasha kubadda cagta ayaa u codeeyay cayaaryahanka Toure ee Manchester City, oo markii horeysay hantay abaalmarinta sanadkii 2013, waxaa ka sii horeeyay Yacine Brahimi, Pierre-Emerick Aubameyang, Andre Ayew iyo Sadio Mane.

YAX

Wuxuu u sheegay BBC Sport: “sida daacadda ah, aad baan isugu niyadsamahay. Loolan adag ayuu dhamaan noo ahaa, sababtoo ah abaalmarinta dhowr jeer ayaan ku lug lahaa, mar walbana in aan helo codadka taageerayaasha waa mid aad iyo aad lama filaan iigu ahayd.” Yaya Toure.

 

Laba ka mid ah cayaaryahanada isugu soo haray abaarlmarinta, ayaa horay u helay, waxay kala yihiin Brahimi oo 2014 ku guulaystay una cayaara Algeria iyo cayaaryahanka dalka Ghana ee Ayew oo helay sanadkii 2011.

 

Cayaaryahanka Aubameyang ee dalka Gabon, sanadkii sadexaad oo xiriir ah ayuu soo galay tartanka ugu dambeeyay ee abaalmarinta, iyadoo cayaaryahanka dalka Senegal ee Mane ay tahay markii ugu horeysay ee uu ka mid noqdo cayaaryahanada isugu soo haray tartanka.

YY

Toure, ayaa loo soo magacaabay tartankan muddo lix jeer iyadoo markan labaad ee uu ku guulaystay ay xaqiijinayso in sanadku u dhamaaday, iyadoo uu helay abaalmarin, waxaa bilowgii bishii February uu u horseeday kooxda dalkiisa ee Ivory Coast, in ay hanato koobkii qaramada qaaradda Afrika.

 

Wuxuu kabtan u noqday kooxdiisa markii ay la cayaaraysa kooxda.

Equatorial Guinea, wuxuuna dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee cayaartii semi-faynalka oo 3-1 ay Ivory Coast kaga adkaatay kooxda Jamhuuriyadda Demoqraadiga ah ee Congo.

 

Toure wuxuu saamayn wayn ku lahaa in dalkiisu kadib muddo 23 sano ah uu markii labaad qaado koobka Africa, iyadoo kooxda Ghana oo finalka ay isugu soo baxeen rigoorayaal kaga badisay.

CIY

Wuxuu ahaa koobkii ugu horeeyay ee kooxdiisa qaranka uu la qaado, iyadoo kani ahaa kii lixaad ee uu tartan ahaan uga qaybgalo, iyadoo sanadkii 2006 iyo 2012 ay kooxdu timid finalka koobka kubadda cagta qaaradda Afrika.

 

Ma badnayn guulaha uu gaaray Toure intii uu u cayaarayay kooxda permeirship-ka England, oo uu kooxdiisa Man City ay ku guuldaraysatay in ay difaacato koobkii ay qaadday 2014, ayna kaalinta labaad u gashay kooxda Chelsea.

 

Balse Toure wali waa waa nin joogitaankiisa kooxda uu aad u awood badan yahay, dhexda ayuu ku awood badan yahay, wuxuuna u dhaliyay kooxda ilaa todoba gool sanadkan.

 

Vera Kwakofi, Tifaftiraha barnaamijyada wararka ee BBC Africa waxay tiri: “hogaaminta Yaya Toure ee dal iyo naadiba, waxay tusaale u tahay dhalinyaro badan oo kubadda cagta rajo ka leh, oo waxqabadkiisa jecel in ay ku daydaan.”

 

“waxaan ku faraxsan nahay in BBC ay u dabaaldegto oo ay taageerayaasha cayaaraha ee adduunka la wadaagto abaalmarintan. ”

 

Laba ka mid ah cayaaryahanadii u soo baxay tartanka, horay ayay ugu guulaysteen abaalmarinta. Waa cayaaryahanka Algeria ee Brahimi (2014) iyo cayaaryahanka Ghana ee Ayew (2011).

Yaya Toure
Yaya Toure

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Cayaaryahanka dalka Gabon ee Aubameyang, wuxuu ka mid ahaa cayaaryahanada lagu soo daray liiska kama dambaysta ah sanadkii sadexaad ee xiriir ah, iyadoo cayaaryahanka Mane ee Senegale uu markii ugu horaysay soo galay tartankan.

 

Horay ugu guulaystay abaalmarinta Cayaaryahanka kubadda cagta Africa ee BBC: 2014: Yacine Brahimi (Porto and & Algeria) 2013: Yaya Toure (Manchester City & Ivory Coast) 2012: Chris Katongo (Henan Construction & Zambia) 2011: Andre Ayew (Marseille & Ghana) 2010: Asamoah Gyan (Sunderland & Ghana) 2009: Didier Drogba (Chelsea & Ivory Coast) 2008: Mohamed Aboutrika (Al Ahly & Egypt) 2007: Emmanuel Adebayor (Arsenal & Togo) 2006: Michael Essien (Chelsea & Ghana) 2005: Mohamed Barakat (Al Ahly & Egypt) 2004: Jay-Jay Okocha (Bolton & Nigeria) 2003: Jay-Jay Okocha (Bolton & Nigeria) 2002: El Hadji Diouf (Liverpool & Senegal) 2001: Sammy Kuffour (Bayern Munich & Ghana) 2000: Patrick Mboma (Parma & Cameroon)

 

Source: BBC

LEAVE A REPLY