Barnaamijka Waxqabadka Safaarada Somaliland Ee Dalka Sweden Sanadkii 2018 Iyo Arimaha U Qorshayshan

0
1215
Safiirka Somaliland ee Dalka Sweden Ambassador Sakariye Xasan Wacays

Stockholm , (HargeisaPress) — Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Sweden ee qaarada yurub ayaa sanadihii ugu danbeeyay ku talaabsatay guulo faro badan oo ay ka gaadhay xaga xidhiidhka iskaashiga ,dadaalka ay ugu jirto sidii qadiyada Somaliland looga dhaadhicin lahaa golayaasha kala duwan ee dawlada Sweden.

Sidoo kale safaarada Somaliland ee dalka Sweden ayaa waxay ku guulaysatay in mudaba dhowr jeer xubno kamida baarlamaanka Sweden ay qadiyada Somaliland soo hor dhigaan golaha.

Safiirka Somaliland ufadhiya dalka Sweden Ambassador Sakariye Xasan Wacays oo Hormuud ka ah guulaha siyaasadeed ee Somaliland ka gaadhay xidhiidhka dalka Sweden ayaa ka war bixiyay waxyaabihii uqabsoomay safaarada mudadii sanadka ahayd ee ay xukunka haysay xukuumada madaxwayne muuse biixi iyo Arimo kale Muhiim ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA BARMAAMIJKA WAXQABADKA SAFAARADA SWEDEN

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY