Barnaamij Caafimaad Oo Lacag La’aan ah Oo Laga Bilaabay Cusbitaalka Laascaanood

0
782

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood ayaa laga bilaabay barnaamij caafimaad oo la gaadhsiin doono dad lagu qiyaasay 200 oo qof, kuwaasoo 500 oo ka mida loo samaynayo qaliin dhinaca indhaha ah.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool, oo ay wehelinayeen maamulka gobolka Sool iyo ka degmadda Laascaanood iyo agaasimaha guud ee cusbitaalka magaaladda Laascaanood ayaa maanta shaaciyay barnaamijkaasi.

Barnaamijkan caafimaad ayaa gebi ahaantiiba ah mid lacag la’aan ah, iyadoo ay maalgelinayso hay’adda caalamiga ah ee Al-basar.

Halkan Ka Daawo warkaasi:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY