Bandhig Faneed Uu Maxamed BK Ku Qaban Lahaa Nairobi Oo Xaalado Amaan U Baaqday

0
1313
fananka caanka ah ee reer Somaliland Maxamed BK

Nairobi,(HargeisaPress)—Dawlada wadanka kenya ayaa war-murtiyeed ay soo saartay kaga hadashay, kooxo ka mida kuwa mayalka adag ee argagixisada ah oo ay qabqabatay.

War murtiyeedka ay soo saartay dawlada kenya ayaa lagu sheegay in lagu qabqabtay kooxo loo tirinayo inay ka danbeeyeen weeraro laga gaystay gudaha wadankaasi, islamarkaana dadkaasi la qabqabtay ay xidhiidho la leeyihiin kooxda all-shabaab.

Dhanka kale Sida ay ku soo waramayaan ilo xogogaala oo aanu helnay waxa isna baaqday

bandhig faneed uu fananka caanka ah ee reer Somaliland Maxamed BK uu ku qaban lahaa magaalada Nairobi.

Baaqashada bandhig faneedkani ayaa lagu sababeeyay in ay jiraan dareeno dhab ah oo la sheegay inay yihiin weeraro la rabay in lagu soo qaado fanaanka oo sida la sheegay ay ogaadeen ciidamada amaanku islamarkaana ay sidaa ku wargaliyeen fanaanka, oo ay halkaana ku baaqatay munaasibadii bandhig faneedka uu waday fanaan Maxamed Siciid Bk.

Sida aanu xogaha ku helnay waxa weerarka fanaanka u soo abaabulayay kooxo la sheegay in maamulka Somalia ka danbayso oo ah somali iyagu ka xun fanaankan caanka ku ah wadaniyada ee qarankiisa ku dhaata.

Halkan ka eeg war-murtiyeedka dawlada kenya soo saartay ee la xidhiidha kooxaha argagixisada

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY