Baki: Hay’adda Camuud Foundation Oo 400 Oo Qoys Xoolo U Qaybisay

0
1222

Baki (Hargeisa Press.com): Hay’adda samafalka ee Camuud Foundation ayaa maanta xoolo nool u qaybisay 40 qoys oo ka   mid ahaa dadkii ku caydhobay duufaantii Sagar ee degaanka Yuubal-keen oo ka tirsan degmadda Baki ee gobolka Awdal.

Xoolahaasi oo tiradoodu gaadhaysay 400 oo neef oo Adhi ah ayaa qoyskastaba la siiyay  10 neef oo Dhidig ah, si ay ugu kaabaan wixii xoolo uga bad-baaday duufaantii Sagar.

Qaybinta xoolahaas waxaa goob joog ka ahaa madaxda ugu saraysa hay’adda Camuud Foundation oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha guud ee Camuud Foundation, guddoomiyaha Camuud Foundation ee bariga Afrika iyo sheekh Horseed oo mida masuuliyiinta hay’adaasi.

Guddoomiyaha guud ee hay’adda Camuud Foundation Dr. Maxamuud Faarax Cigaal, ayaa faahfaahin ka bixiyay cida soo bixisay xoolahan ay 40-ka qoys u qaybiyeen iyo doorka ay hay’adoodu ka qaadatay caawinta dadkii ku waxyeeloobay duufaankii Sagar.

Dr. Maxamed Faarax Cigaal, oo arrimahaas ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaa anaga (Camuud Foundation) noo farxad ah, waa markii labaad oo aan Adhi u qaybino dadka degaankan ee ku barakacay duufaantii Sagar. Caawimada-na waxay ka timid dad walaalihiin ah oo dhibaatadda idin haysata ka damqaday”.

Guddoomiyaha Camuud Foundation ee bariga Afrika Xaaji C/wahaab Cige Axmed, ayaa ka warbixiyay tiradda xoolaha ay qaybiyeen iyo tiradda qoysaska ay gaadhsiiyeen. “Waxaan joognaa dooxa loo yaqaano Yuubal-keen, oo ka tirsan degmadda Baki ee gobolka Awdal. Dooxani waxa uu u dhexeeyaa Fadhi-xun iyo Carro-weyne.

Waxaa maanta  halkan xoolo nool oo Adhi ah loogu qaybinayaa 40 qoys oo ka mid ah dadka degaankan degan, waxaana 40-kaas qoys loo qaybin doonaa xoolo gaadhaya 400 oo neef oo Adhi ah.

Taasoo qayb ka ah gurmadkii duufaantii Sagar ee sanadkan ka dhacday degaamada xeebaha ee galbeedka, gaar ahaan  Baki iyo Lughaya. Dadka halkan jooga, ninka ugu yar waxa uu haystaa qiyaastii midkiiba 20 neef oo Adhi ah.

Anagu-na (Camuud Foundation), waxaanu ugu darnay 10 neef oo Dhidig ah qoys kasta ba, si ay u deganaadaan meeshoodda” ayuu yidhi guddoomiyaha Camuud Foundation ee bariga Afrika.

Geesta kale qaar ka mid ahaa dadkii xoolaha loo qaybiyay ayaa u mahad naqay hay’adda Camuud Foundation oo ay ku amaaneen doorka ay ka qaadatay caawinta dadkii ku dhibaatoobay duufaantii Sagar.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here