Badhasaabka Sool Oo Sheegay In Gobalkaas Uu Horumar Baaxad Lihi Ka Bilaabmay

0
1044

Hargeysa, (HargeisaPress) —Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), ayaa wuxuu ka xog waramay xaalada guud ee Gobolka Sool, waxaanu sheegay in horumar balaadhani ka socdo Gobolkaasi, waxa kale oo wuu ka hadlay xaalada Buuhoodle, waxaanu sheegay inuu fidno iyo amaan daro Cali Khaliif Galaydh uu Deeganaadas ka wado, balse aan laga yeeli doonin.

 

Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), oo Warbaahinta shalay la hadlay ayaa sidoo kale wuxuu ka hadlaly Dhalinyaradii dhawaan ku geeriyootay Badda, waxaanu Xukuumadda ka difaacay eeddaha loo soo jeediyey ee ah inay dhalinyaradii gabtay, isaga oo arimahaas ka hadlayana wuxuu yidhi “Waad og tihiin oo xaalada Gobolka Sool in badan baanu ka hadlaynay, haddii ay dhinaca nabadgalyada tahay iyo haddii ay dhinaca horumarka tahayba, runtii Gobolkaasi waxa uu jooga marxalad aad ugu duwan marxaladihii uu ku jiri jiray, tusaale ahaan dadka  deegaanku waxay ku tartamayaan diyaarna u yihiin Diiwaangelinta inay ka qayb qaatan,  waxay u furteen guryo, xaafadaha qaar laga furay loogu ololeeynayo in la is diiwaangeliyo,iyada oo aanay dawladdina riixaynin,  waxyaabaha keenayna waxa ka mid ah  dadka Sool jooga in fikirkoodu aad isku bedelo,  horumarka ay Xukuumaddu ka wado oo ah laamiyo, oo ah Waxbarashadii, oo ah  Caafimaadkii, oo ah Laydhadhkii,quruxdii magaalalda,  oo inta badan Dawladda Somaliland gacan ka geysato, xoogaana Hay’addaha iyo Qurbo jooga ay qayb  ka qaatan, waxaan nasiib u yeeshay in la ii magacaabo gobol degan,oo is bedel fiicani ka jiro dadkuna u heelan yihiin, madaama Somaliland la timid horumar la taaban karo”.

 

Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Shiine ayaa mar wuu ka hadlaayey dhalinyaradii dhawaan ku geeriyootay badda masar ayaa yidhi “Maalin dhawayd waxa dhacday masiibo Jamhuuriyadda Somaliland la soo daristay, iyo guud ahaanba dadka afsoomaaliga ku hadlaba, oo guud ahaan afarika oo dhami la wadaagto, Afar boqol oo dhalinyaro ah ayaa ayaa badda midhatariyaanka ku qarqamay,  dhalinyaradaas oo inta badan ku baxday halkaas, marka u horeeysa waxaan u tacsiyadaynayaa Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dadkii ay ka baxeen ee waalidiinta ahaa, waxaan ILLAAHAY  uga baryayaa inuu samir ka siiyo, iyana jannadii fardawsa ka waraabiyo, waxa jirtay in maalimo dhawayd la siyaasadeeyey, haddii caqliga laga shaqeeysiin lahaa oo la saari lahaa guddiyo iyo dad aqoon u leh oo la sameeyn lahaa cilmi baadhis ah maxaa dhalinyaradeena wada, oo markiiba halka fudud laga eegayo oo dhaliil lagaga dhigayo Xukuumadda joogta ama ururadda dhalinyarada, oo la leeyahay shaqadoodii ayey gabeen, qof walba halkii uu jeclaa buu la doontay, ninkii jeclaa inuu Xukuumadda dhaliilo Xukuumadda ayuu la doontay, ninkii jeclaa inuu Sonyo dhaliilana Sonyo ayuu la doontay, ninkii jeclaa inuu dhaliilo Dhalinyarada Madaxda ahna Dhalinyarada Madaxda ah ayuu la doontay, ninkii jeclaa inuu qurba joog dhaliilana qurba joogii buu la doontay”.

 

Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Shiine ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), wuu wax badan u qabtay dhalinyaradii, inuu fuliyey balanqaadyo ku saabsan dhalinyarada oo wuu ku ololayn jiray wakhtigii uu ahaa Mucaaradka, waxaanu xusay inay jiraan Dhalinyaro badan oo xilal haysa, sida Agaasimayaal, Wasiiro,Wasiir ku xigeeno, Badhasaabo, waxa kale oo uu xusay inuu rajo wanaagsan galiyey dhalinyaradii, markii wuu madaxweynuhu horseed ka noqday in Dhalinyaradu isku sharaxdo Golayaasha Deegaanka, waxaanu sheegay inay Maanta jiraan Dhalinyaro badan oo ku jira Golayaasha Deegaanka ee dalka, isla markaana ay Maayaro yihiin.

 

Dhanka kale wuxuu Guddoomiyaha Gobolka Sool Mustafe Shiine mar wuu ka hadlaayey xaalada Buuhoodle uu yidhi “Reer Widhwidh dhammaantood sida ay u dhan yihiin wey ka soo   horheedaan maamulkiisa iyo jabhadayntiisa aan caqliga ku dhisnayn, dabadeedna ciidan buu abaabulay, dadkii reer Buuhoodle wey diideen in godob laga galo oo inamadooda lagu weeraro magaaladooda kale ee isla deegaanka, waxa kale oo ay doonayaan caqli kale oo aan dagaal ahayn, maanta waa oday siddeetan jira ah oo doonaya inuu shaqeeyo wakhtigii laga yimid ee jabhaydaynta, dad aan guumaysi hor joogin, dad aan la dhibayn dad aan dhibaato loo geysanayn  waxa la taro mooyaane, ayuu doonayaa inuu dagaal galiyo, dabadeedna dadkii Buuhoodle wey diideen, walibana dadka diidayaa maaha taageerayaashii Somaliland ee waa taageerayashiisi  la socday isaga ciidankii uu isagu sheegan jiray iyo ciidan kale oo beeleedyo ah ayaa is abaabulay,waxa aanu rajaynaynaa inay iyagu magaaladii la wareegaan, oo Cali Khaliif laga saaro, runtiina maanta Cali Khaliif Itoobiya uma talaabi karo, Somaliland waxba kuma aha inay qabato, laakiin waxay diidaysaa in dhiiga shacabkeeda uu si yar oo maalayacniya oo qiimo badan ku fadhiyin loo daadiyo, Cali Khaliif arintiisu waa arin iska soo gabagaboobaysa,waayo wax cilmiyo iyo wax mabaadiya oo ku dhisani ma jirto”

 

Dhinaca kale wuxuu ka xog waramay xaalada Abaareed ee ka taagnayd Gobolka Sool, wuxuu sheegay in hadda Roob ka da’ay, balse haddana loo baahan yahay in dadka la caawiyo, oo dadkii xoolahoodu ka madheen wax la taro, waxaanu fariin u diray Guddida Abaaraha oo uu ugu baaqay inay dadkaas wax taraan.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here