Badhasaabka Sool Oo Digniin Ku Jaawahan Roobabka U Diray Bulshadda Gobolkaasi

0
595

Laascaanood (HP): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu digniin u diray bulshadda gobolkaasi in ay ka feejignaadaan halis kaga iman karta roobabkaasi.

Digniinta badhasaabka Sool ayaa ku soo beegmaysa iyadoo shalay iyo ilaa maanta ay roobab qabow ka da’ayaan degaamo ka tirsan Somaliland.

Badhasaabka oo tix-raacaya fariimaha digniinta ah ee ay soo saareen wasiirka arrimaha gudaha Somalailand iyo guddoomiyaha hay’adda ka hor taga aafooyinka iyo saadaasha hawadda ee muujinaysa khatar ka iman karta roobabkaasi.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo qoraal koobaan oo uu arrintaa kaga hadlayo oo uu warbaahinta ugu tallo galay na soo gaadhsiiyay ayaa si gaara fariintiisa ugu diray reer Guuraga iyo cid kastoo u nugul inay feejig nadaan.

Waxaanu ugu baaqay in ay ka taxadaraan guud ahaanba bulshadda gobolka Sool roobabkaasi la filayo.

waxaanu yidhi, “Anigoo tix-raacaya farriimaha wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, iyo guddoomiyaha hay’adda NADFORD Faysal Cali Sheekh iyo saadaasha Hawadda ee muujinaysa khatar laga filan karo Roobab waxyeello keeni kara, in mandaqadda ay  soo waajihi karto.

Waxaan si aan ugu taxdarno, aan bulshadda gobolka Sool ku boorinayaa, siiba reer Guuraga iyo cid kastoo u nugul inay feejignnadaan”.

Geesta kale badhasaabka Sool waxa kaloo uu sheegay in wax kastoo dhibaato ku keeni karra ay bulshadu ka sii feejig naadaan, isla markaana ka tabaabul-shaystaan.

“Dhulka godan ama ay fududahay inay biyuhu fudayd u maraan ama iskugu tagaan, ayaan bulshadda ay tahay inay ka fogaadaan.

Rabbi SWT ha inaga hayo masiibo kasta. Balse waa waajib in aan is farno halis kastoo iman karta, kana sii tabaabul shaysano”ayuu yidhi badhasaabka Sool.

 

 

Hargeisa Press.com/Hagaysa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here