Bad-baadinta Barbaarta Dalka iyo Toosinta Dowlada W/Q Aamina Cali Muuse

0
844

dhamaan Akhristayaasha sharafta leh waxaan idinku Salaamaya salaanta islaamka ASALAAMU CALAYKUM WAX RAXMATULAAHI WABARAKAATU Waxaan Jecelahay  in maqaalkan si qoto dheer ugu lafa guro Duruufaha Baahasan ee dalka ka jira ee dhinac walba leh taasi oo ay tahli weyday wax ka qabashadeeda xukuumada Talada dalka haysa, Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Silaanyo waxay talada dalka haysay mudo ku dhow shan sano waxaynu ka wada dharagsanahay isla markaana ay Bulshada reer Somaliland ay Markhaati ka tahay in Xukuumadani wakhti xileedkeedu gabaabsiga yahay ayna dalka wax Horumara oo muuqda ayna ku soo kordhin.

Waxaynu dareensanahay Cabashooyinka isasootara  ee ka iminaya Beelaha daga Darafyada Somaliland isla markaana waxaynu ognahay in ayna dalka hore uga dhicin in beel ka mida Beelaha Daga gudaha Somaliland ay Madaxweyne ku Caleemasaartaan dalka dhexdiisa.

 

Xukuumadii Cabdiraxmaan Axmed Cali iyo Xukuumadii Madaxweyne Cigaal iyo Xukuumadii Riyaale ta haatan dalka ka dhacday hore ugamay dhicin hadana midna Qori caaradii iyo RRU kumuu muquuninayn,Masuuliyiintii Xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland hadii ay dalka shaqaaqo dhacdo waxay ku Xalinayeen Xal siyaasadeed oo dagan iyo wada xaajood,iyagoo mar walba mihiimada gaara siinjirey Beesha waxtabanaysa iyadoo  loo fidin jirey  gogol nabadeed  iyagoo wadata Duqaydoodii waxgaradkeedii  halkaasi ayey ku dhamaanjirtey shaqaaqdu halkaasi ayeyna ka sii amba qaadmi jirtey geedi socodka Nabada Somaliland.

Hadaba Su”aasha isweydiinta mudan waxay tahay Xagal daaca siyaasadeed xagee ayuu ka yimid ?

Waxaa uu ka yimid maaha Madaxweynaha ee dhaliishu waxay saarantahay  Kooxda siyaasadeed la shaqeeya ku waasi oo ka seexday Howlihii loo igmaday marka laga reebo Wasiirka Wasaarada Arimha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade oo u guta waajibaadka saaran si daacada.

Waxaa Bulshada reer Somaliland War-war Joogta ah ku abuurtey Dabka ka qiiqaya labada Daafood ee Somaliland  waxay ahayd in dowladu ka hawl gasho oo ay adeegsato xalsiyaasadeedkii Xukuumadihii kala dambeeyey ee ka horeeyey .

Hadii aynu ku horeyno Tabashada Madaxdhaqmeedka Gobolka Awdal ee sababtey in uu Suldaan wabar Duurka galo,Hore ayaa loo yidhi  oodo dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo kala guraaye waxay ahayd inta laga hadlayo wada xaajoodka Somalia waxaa ka dhow wada hadalka Suldaan Wabar iyo Cali Khaliif Galaydh in wada hadal lala furo” ilayn midho Gunti ku jira midho geedsaaran looma daadiyee Si ayna u Bukoon Nabada ay reer Somaliland ku caana maaleen

 

 

La soco Qaybaha Dambe

LEAVE A REPLY