BAASHE-Morganka Madaxtooyada La Xididka Ah Oo Shaaciyey Shirkado Iyo Dalal Kale Oo Uu Sheegay Inay Danaynayaan Maalgashiga Somaliland

0
1141
Safiirka Somaliland ee dalka Imaaaraadka Cabarta Danjire Baashe Cawil

Hargeysa(Hubaal)- Safiirka Somaliland ee dalka Imaaaraadka Cabarta Danjire Baashe Cawil,ayaa si qoto dheer u faah faahiyay faa,iidooyinka uu u leeyahay saldhigga Millatari ee dalka Imaaraadka Somaliland ay ka siinayso magaalada Berbera. Waxaanu intaa ku daray in saldhigga Millatari ee Imaaraadka Carabta la siinayo Bebera uu yahay jid Somaliland u soo kordhiyay Saaxiibbo kale oo ay ku yeelato guud ahaan beesha caalamka.

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka UAE waxaa kale oo uu ku ammaanay bulshada reer Somaliland sida ay isu garab taaaan wax kasta oo danta aranka ah oo ay uga horraysiiyaan danaha shaqsiga ah.

Danjire Baashe oo u waramay Maareeyaha TV-ga Qaranka Khadar Cakuule,ayaa hadalkiisa ku bilaabay. “marka hore waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa xildhibaanada labada gole oo cod aqlabiyad ah ku meel mariyay heshiiska saldhigga Millatari ee aynu siinayno dalka Imaaraadka Carabta oo ah heshiis qaran oo ay wada galeen laba dawladood waxaanu saldhigga Mllatari ee aynu siinay dalka Imaraadka Carabtu wuxuu inoo soo kordhinayaa saaxiib labaad oo dhaw oo ah dalka UAE inaoo hore dalal kale aynu saaxiibtinimo wanaagsan u wada lahayn oo ay kow ka tahay dalka Itoobiya maanta waxaa inoogu soo biiray Imaaaadka Carabta oo noqonaya saaxiibkeena labaad, waxaa kale oo aan aad ugu hambalyaynayaa guud ahaan shacabka Somaliland oo si weyn u taageeray heshiiska saldhiiga Millatari ee aynu Imaaraadka siinay,waxaanaynu reer Somaliland haddii aynu hanay aynu caado u leenahay in aynu wax kasta ka doodno oo wax iska waydiino laakiin marka ugu dambaysa aynu danta uud ee qaranka wax ka eegno oo aynu ta guud horumarino oo aynu isla qaadano waana wax lagama maarmaan ah in aan dan shaqsi ah iyo qof doonistiisa aar ahaaneed aan loo curyaamin danta qaranka markaa guud ahaan ummadda reer Somaliland oo aad u taageertayna waan ku ammaanayaa,dawladda Imaaraadka carabta oo aynu horena heshiis maal gashi aynu u wada galnay shirkadda DPW oo dalkaas laga leeyahay in aynu imikana saldhig Millatari heshiis ku wada galno oo aynu wada gallo,waxaanu jidka u xaadhayaa in Somaliland ay saaxiibo ay ku yeelato kale caalamka oo aynu ku kasbano.”

Danjire Baashe Cawil oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Somaliland xidhiidhka ay la leedahay dallaka Khaliijka Carabta ee ay hirgalisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo sida uu u soo korayo,ayaa yidhi. “Markii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo talada dalka la wareegtay waxay awoodda saartay in ay xidhiidho hdaw la yeelato oo ay saaxiibbo ku yeelato dalalka Carbeed ee aynu walaalaha nahay, Somaliland markii horeba caalamka xidhiidhi wanaagsan ayay la lahayd gaar ahaan dalalka deriska oo ay Itoobiya ka mid tahay iyo Yurub-ba xidhiidho wanaagsan ayaynu la lahayn laakiin dalalka Carabta wax xidhiidh ah lamaynu lahayn laakiin markii u Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka la wareegay waxaa uu sameeyay in uu soo celiyo xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ay bulshada reer Somaliland iyo dalalka Carbeed ay wada lahaan jireen,socdaalkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha Somaliland uu ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ee uu xidhiidhka labada dal uu ku bilaabmay iyo halka uu maanta marayaa aad ayay kala duwan yihiin oo socdaalka madaxda Somaliland ku tagaan Imaaraadka Carabta waxay kala kulmaan mid la mid ah qiimaynta iyo maamuuska madaxda caalamku ay ka helaan dalka Imaaraadka carabta waxaanu Madaxweyne Siilaanyo mar kasta oo uu dalkaa tago uu la kulmaa Madaxweynaha dalkaas iyo madaxda ugu sarraysa.

Socdaaladii guusha ahaa ee uu Madaxweynuhu ku tegay Kuwait iyo Imaaraadku waxay ka mid ahaayeen safarada caalamka uu ku tegayay Madaxweynuhu ee uu madaxda dunida kaga dhaadhicinayay qadiyadda Somaliland iyo qarannimadeena iyo sidii aynu caalamka aqoonsi uga heli lahayn iyo sidii aynu dalalka caalamka xidhiidho saaxiibtinimo ula yeelan lahayn caalamka gaar ahaan calalka carbeedna waxay inoo leeyihiin muhiimad gaar ah oo waa dad aynu dadyawga kale isaga dhawnahay oo aynu walaalo nahay,daladda Imaaraadkuna maanta sida ay ula macaamisho Somaliladn kama duwana sida ay uala macaamisho dawladaha kale, dawladda Imaaraadku markii ay ku qanacday nabada iyo hurumarka ay dawladda iyo dadka reer Somaliland ay sameeyeen mudada 25-ka sano ah ee ay jirtay ayay ku qanacday in ay bedesho mawqif keedii hore ee ahaa in aanay wax tix galin ah siinin waxaanay diyaar u tahay in aynu iskaashi wayn oo walaalnimo aynu wada yeelano. Maantana waxaa halkaa inooga soo kordhay saaxiib dhaw oo wanaagsan oo la is kaashan karo oo danaha labada dal ee nabad gelyo, dhaqaale ganacsi sisaasaeed diblamaasiyadeed iyo bulsheedba la wadaagi karo.”

Danjire Baashe oo ka hadlayay jidka Somaliland ay xilligan u dhaqaaqday ayaa yidhi “Somaliland markii aynu xornimada la soo noqonay waxaynu bilawnay nabadayn iyo dadka oo la walaaleeyo in xasiloonida oo aynu ka shaqaynyay mduud badan waxaa kale oo aynu u gudubnay in aynu dhisano dawlad dimuquraadi ah oo ka timaada hannaanka asxaabta badan waxaanan ku tallaabsanay dimuquraadiyad aan ka suura galin dalal badan oo la aqoonsan yahay oo dunida ka mid ah, imikana waxaynu u gudubnay marxaladii maalgashiga iyo hurumarinta dhaqaalaha taana waxaa indhaha caalamka ku soo jeediyay markii aynu heshiiska la galnay shirkadda caalamiga ah ee DPW oo lacag 200 iyo dheeraad milyan ah ku maalgalinaysa Dekeda Berbera taasoo ah guul ay leeyihiin shacabka reer Somaliland oo iyagu leh hirgalintiisa isla markaana cid kasta oo ka soo hor jeesata iyagu runta u sheega oo isla qabta waxaa kale oo guusha leh xukuumadda hir galisay ee ku dhiiratay ee ku tallaabsatay taasina waxay sababtay in dalal badan oo leh shirkado waawayn oo maalgashi in ay noo yimaadaan oo ay yidhaahdaan waxaanu doonaynaa in aanu Somaliland maal gashi ku smayno markaa waxaan maanta u dhaqaaqnay dhankii horumarka dhaqaalaha iyo maalgashiga caalamiga ah oo Somaliland ay caalamka tustay in ay tahay dal sharci leh oo lagu kalsonaan karo isla markaana dawladnimadiisu ay tahay mid aan wax shaki ah laga qabi karin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here