Baarlamaanka Soomaaliya Oo Qaaday Tallaabo Keeni Karta In Imaaraadku Aqoonsado Somaliland & Aragtida Madaxtooyada

0
1529
Somaliland map

Muqdisho, (HargeisaPress) —Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Shalay loo qaybiyey Mooshin ka dhan ah Heshiiska Dawladda Somaliland la gashay Dawladda imaaraadka Carabta, ee khuseeya in Imaaraadku uu Saldhig Ciidan ka samaysto Magaalada Berbera.

Mooshinkan oo ay muddo diyaarinayeen Xildhibaanno diiddan in Dawladda Imaaraadku Saldhig Ciidan ka samaysato Magaalada Berbera ee Somaliland, ayaa waxa loo qaybiyey Xildhibaannadii ka qayb-galay Fadhi Shalay uu yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo uu Shir-Guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Mooshinkan oo lagu wado in Xildhibaannadu dooddiisa bilaabaan dhawaan, ayaa Wararka kala duwan oo ka soo baxayaa sheegayaan inay dabada ka riixayso Xukuumadda Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), kaasi oo markii Heshiiskaasi dhacay kulan uu Magaalada Jeddah kula yeeshay Boqorka Sucuudiga uu kaga codsaday inay kala shaqeyso siduu Imaaraadku uga noqon lahaa Heshiiska Saldhigga Berbera, sida ay hore u baahiyeen Wargeysyada Dalalka Carabta qaarkood.

Xildhibaan Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudaneyaasha baarlamaanka ee diyaariyay Mooshinkan oo Saxaafadda u faahfaahiyey nuxurka Mooshinkan, ayaa ku dooday inay ka soo horjeedaan in Imaaraadku uu Saldhig ka samaysto Magaalada Berbera, sidaa awgeedna ay Mooshinkan Shalay la qaybiyey u soo diyaariyeen.

Mooshinku wuxuu sheegay inaanu ku jirin heshiiska Dekedda Berbera ay Shirkadda DP World kula wareegtay, laakiin uu ku kooban yahay Heshiiska Saldhigga Berbera, “Mooshinka wuxuu ku saabsan-yahay garoonka ciidammada cirka ee Soomaaliya ku lahaa Berbera oo la yidhi waxaa la siiyay dowladda Imaaraadka Carabta”. ayuu yidhi xildhibaan Cabdillaahi Sheekh.

Xildhibaanku wuxuu intaa ku daray in Ilaa hadda mooshinka ay saxeexeen 20 xildhibaan, balse doodda uu baarlamaanka ka yeelanayo ayuu tilmaamay in lugu ogaanayo go’aanka xildhibaannada.

Dhinaca kale, Dawladda Somaliland oo intaan Mooshinkan loo qaybin Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, balse warkiisu soo baxay ka hadashay, ayaa sheegtay in aanu Mooshinkaasi wax saamayn ah ku yeelanayn Heshiiska Somaliland iyo Imaaraadka ee Saldhigga Berbera, taa beddelkeedana ay Dani ugu jiri doonto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Axmed Xaashi Cabdi oo Arrimahan ka hadlay horraantii bishii March ee Sannadkan, ayaa yidhi “Maynaan arag (Mooshin ka dhan Saldhigga Berbera oo baarlamaanka Soomaaliya keenay), laakiin hadday keenaan Dan-baa ugu jiri doonta Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Madaxtooyada Somaliland oo ka sii hadlayey Mooshinkan Shalay loo qaybiyey Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee lidka ku ah Heshiiska Saldhigga Berbera.

Wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in Mooshinnada iyo Hawlaha kale ee Baarlamaanka Soomaaliya uu gacanta ku hayaa aanay wax saamayn ah ku lahayn Somaliland, “Waxay ka hadlaan Baarlamaankaasi waa wax Soomaaliya u yaalla, Waayo? Somaliland iyo Soomaaliya waa laba Dal oo kala Madax-bannaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hadday Mooshin soo saaraana intay ka taliyaan iyo Soomaaliya ayuun buu khuseyn.”

Ugu dambayn, Dadka faalleeya Siyaasadda ayaa waxay hore u sheegeen in Tallaabooyinka lidka ku ah Heshiiska Saldhigga Berbera ee Dawladda Soomaaliya, ay khilaaf dublamaasiyadeed ka dhex abuuri karto Soomaaliya iyo Imaaraadka, taasina suurto-gal ka dhigi karto in Isku tagga Imaaraadka Carabtu ku dhawaaqo inuu Aqoonsaday Somaliland.

Heshiiska Saldhigga Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadku kala saxeexdeen, ayaa waxa qayb ka ah in Imaaraadku ogolaado in Baasaaboorka Somaliland lagu tago Dalkiisa, taasi oo marka indhaha Diblumaasiyadda lagu eego noqon karta Aqoonsi Dadban.

Himilo Media

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here