BAAQ: MADAXWEYNE BEESHADU HAKA TANAASUSHO 50%BEESHAYADUNA 40%

0
1145

qumujIlaahay mahadi haka gaadhee, waxa umada Somaliland dhaqan u ahayd isku tanaasulka iyo is laabxaadhashada ay kaga duwanayeen, somalidii kale ee mar aynu wadawadaagi jirtay qarinkii cadaaladarada iyo sinaan la;aantu dumisay ee siyaad bare mana filayno in dhaqankaasi ka suu lay Somaliland.

Umadeena oo dhaqan uleh is qancinta iyo wadanoolanshuhu waa waxa aynu halkan aynu marayno ku nimi, waxaynu wada ogayn in dhawaan Somaliland ka bilaabantay in tabashooyin ay la imanayeen qaarka mida beelaha Somaliland wada lihi, waxa kamida ta gobolka sool gaadhay in dhiig ku daato oo ka dhalatay tabasho laga qabo in beesha dhexe ay qaadatay saamigii beelaha kale taasina keeni karto burbur iyo jahawareer. Shaki kuma jiro sobobtii keentay in beesha dhexe ka hortimaad xukumadii siyaad bare ahayd ta ay manta ku doodayaan beelaha Harti iyo Samaroon .

Wax qariiba maaha in beeli ama laba ka cawdaan saamiga beelaha kale haystaan sida hore uga dhexdhacday beesha dhexe xiligii xukumadii Cigaal ee uu maxamud xaashi (usame) oo ayka wada socdeen madaxweyne siilaanyo oo xiligaa wasiir u ahaa marxuum cigaal oo ay ku doodayeen in xukamadu Habar Awal tahay ama saamigii ugu badnaa haystaan waxa nasiib wanaaga in imika ayxukumadan joogta ay gacanta ku hayaan beel taqaanay cabashada saamiyada xukumadahii hore fahmina kara tabashada noocana oo kala ah Madaxweyne siilaanyo iyo wasiirka duulista ee maxud xaashi.

Ururka dhalinyarada super awal ee JIIDALI  oo taageersan siffe kasta oo lagu dawaynayo tabashada beelaha samaroon, waxa aanu cod dheer ku bogaadinaynaa sida ilbaxnimada iyo aqoontu ku dheehantahay ee ay beesha samaroon ugu garnaqasadeen tabashadooda ay saldhiga u tahay tacabkii badanaa iyo lexejeclada ka haysa qarankan Somaliland.

Ururka JIIDALI oo aad uga xun sida loo maamulay ama loo marin habaabiyay garnaqsigoodii beelaha samaroon iyo sida quudhsiga leh ee loogu diray cid aanku haboonaynba waxa  aanu usheegaynaa beelaha samaroon maaha arinkaasi mid beesha dhexe kuwada  socoto ,mana aha mid uqalanta beeshi hooyada u ahayd qarankan aynu kuwada naaloonay .

Anaga oo ku kalsoon in aanay ahayn beesha samaroon beel lagu hogaaminkaro halka la doonayo in ay tabashadooda ku radiyaan oo ah in hub iyo ciidan urursadaan, waayo waa beel og tacabka ka galay qarankan. Waxa kale oo jiidali u aragtaa ayaan daro in xukumadu garan waydo qiimaha beelaha darifydu uleeyihiin Somaliland, waxa aynu hore u  ogayn dhibaatada kazoo gaadhay beelaha samaroon xiligii ololihii siilanyo kursiga ku rabay mana aha mantana in quudhsi loogu diro.

Beelaha Super Awal  oo dan dhaqan iyo dhalasho ka dhaxayso beelaha samaroon oo gaari waxa ay cadaynayaan in aanay marnaba raali ka noqonayan sida in loo la dhaqmo iyo in xukumadu dalka ka abuurto dareen u muujinaya sida loola dhaqmayo beelaha darifyada in ay beesha dhexe (isaaq)ka noqonayaan mabda’ii gooni isku taaga ee bishii may 1991 burco lagaga dhawaaqay.

Inaga oo og sida loo marin hababiyay tabashadii beesha dhulbahante waana tii keentay in dagaalo dhiig ku daatay oo lagu xalinkarayay wada hadal iyo isku tanaasul,waayo waxa ay ahayd in beesha madaxweyne siilaanyo in ay ka shaqayso sidii loo soo dhawayn lahaa beesha ay oodwadaaga yihiin.

Dhalinyarada ururka JIIDALI oo tixraacaya dhaqankii gobonimada iyo geesinamada lahaa ee hore loogu bartay cuqaashiii iyo waxgaradkii SUBER AWAL ee xiligii xukumadii Cigaal u tanaasulay beelihii dalka inalalahaa ee ay ka midka ahayeen beelaha Madigaan Gurgure,Akisho, carab iyo Samaroon oo ay ugu tanasuleen qaar kamid ahaa golayaashii baarlamaanka, sidoo kale waxa ay maantana Beelaha Samaroon ugu tanaasulayaan in 40% xilalka ay hayaan xubnaha uu magacaabay madaxweyne siilaanyo.

Waxa sidoo kale aanu beesha madaxweynaha kula talinaynaa ama usoo jeedinaynaa madaama ay haystaan manta xilalka ugu badan beesha dhexe sida madaxweyne , guurti iyo wasiiro iyo agaasimayaal in ay sidoo kale iyaguna ugu tanaasulaaan beelaha dhulbahante oo ay 50% siiyaan.

 

Waxa uu ururka JIIDALI ku rajo wayntahay hadii uu madaxweynuuhu diyaar uyahay in labadan tabasho dhamaato ee beelaha samaroon iyo dhulbahantaba waa inuu sida ugu dhakhsaha badan labadan beelood ee midna madaxweynuhu yahay midna anaga oo jiidaliy ku hadlayno uu ka qaado kuraastan, waa hadii laga ayahay daacad tabashooyinkan soo noqnoqday.

ALLAA MAHAD LEH

 

Afhayeenka ururka JIIDALI

Faysal Cumar Madar (Qumuj)

LEAVE A REPLY