Axmed Shide Oo Loo Doortay Hogaamiyaha Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Itoobiya

0
1465

Addis Ababa, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaaraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Axmed Shide oo ah wasiirka Isgarsiinta Itoobiya loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga Dumoqaraadiga Soomaalida Itoobiya.

Axmed Shide ayaa xilkan ka badali doona madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaaliya Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda ku jira gacanta hay’addaha amaanka dalka Itoobiya oo horaantii todobaadkii ina dhaafay ka qabtay magaalada Jigjiga.

Saraakiisha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in muddada guddoomiyaha cusub uu talada heyn doono ay tahay ilaa laga qabanayo shirweynaha xisbiga.

Axmed Shide ayaa ka mid ah marka la eego ragga sida weyn ugu dhaw dhaw ra’iisal wasaaraha xiligan ee Itoobiya Abiy Ahmed waxaana ay u muuqataa in magacaabistiisa ay meesha ka saari doonto siyaasadii muddada dheer uu xisbigaa ku soo hogaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhawaan mar uu hadalay Wasiir Axmed Shide waxaa uu  ku sababeeyay fara-galinta ciidamada Itoobiya ee dowlad deegaanka Soomaalida mid ka dhalatay dhibaatooyin is daba –joog  ah oo ay abuureen sida uu hadalka  u dhigay mas’uuliyiinta maamulkii hore.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY