“Astaamaha Hogaamiyaha XUN” (Traits of Bad Leader) By: Ahmed O. Abdi

0
3280
maqaalmarka hore waxaan salaamayaa ummada reer somaliland,  waxa maqaalkan igu dhaliyay markaan arkay xaalada dalku marayo iyo waliba hogaan xumada inagu dhacday (Mismanagement).
khiyaaligii & beentii uu kulmiye dalka ku qabsadayna maanta cid danbe oo laga dhagaysanayaa ma jirto.
Hadaba hadaan u soo dhaadhaco u jeedada qoraalkayga waxaan rabaa inaan waxoogaa ka iftiimiyo hogaanka xun ama aan ka jawaabo waa kuma hogaanka xumi?
Hogaamiyaha xumi waa qof la siiyay jago ama mansab (Position) lakiin ku xad gudbay mansabkaa loo dhiibay (Abuses The Position). Hogaamiyaha xumi waa ka uga faa’iidaysta mansabkaa loo igmaday danahiisa gaarka ah (His Own Selfish Reasons), Hogaanka xumi had iyo jeer wax uu caan ku yahay inuu u isticmaalo hanjabaado iyo ciqaab ama karbaash cidii ka soo hor jeedsata fikirkooda (Threats And Punishment) waxa kale oo lagu yaqaanaa xeelado cabsi galineed (Fear Tactics) si ay u gaadhaan u jeedadooda gaarka ah.
Hogaamiya xumi waa mid aan lahayn xirfadihii uu wax ku hagi lahaa (The Necessary Skills To Lead), hogaamiyaha xumi waxa uu caan ku yahay habdhaqan xun (Bad Attitude) oo uu kula dhaqmo dadka uu hogaanka u hayo, xidhiidhka ka dhaxeeya bulshada oo liita (Poor Communication Skills) iyo waliba garsoor xumo (Bad Judgment) dhamaan waxyaabahaasi waxay dhaxal siiyaan maamulka xun nidaam xumo (Disorganized), Niyad xumo (Demoralized) iyo waliba in dadaaladooda iyo wax qabadkooda la aqoonsan waayo (Their Efforts are Unrecognized).
La Soco Maqaalada Danbe, iyo Hogaanka Xun Caadooyinkiisa.
Ahmed O. Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here