Askari Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Xalay Lagu Toogtay Badhtamaha Laascaanood Lagana Furtay Qorigii Uu Watay+Xaaladda Laascaanood Oo Cakiran

0
1138
HargeisaPress Breaking-News..

Laascaanood, (HargeisaPress) —Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xalay dabley hubaysan ay badhtamaha magaalada Laascaanood ku toogteen askari ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Askarigan ayaa dableydu ku  toogatay agagaarka masaajidka Cali Barre ee bariga laascaanood,waxaana dableydan markii ay askari toogteen ay ka furteen qorigiisii ciidanka ee uu watay.

Askarigan ayaa waxa soo gaadhay dhaawac culus,waxaana markiiba Meesha ka baxsaday dableydii toogatay askarigan,waxaana askarigan lagu dawaynayaa cusbitaalka magaalada Laascaanood.

Wararka nasoo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in xalay ilaa saaka gudaha magaalada Laascaanood si aada loo adkeeyey amaankeeda iyaga oo gudaha Laascaanood na aad ku arkayso ciidan tiro badan oo lasoo dhoobay kuwaas oo koox koox u wada socda.

Ciidamada qaranka Somaliland iyo ciidamada Booliska gobolka Sool ayaa dabagal xoogan ku haya soo qabashada dableydii toogashada samaysay ee ka baxsaday goobtii ay askariga ku toogteen,waxaana sidoo kale xusid mudan in habeen hore ay dabley hubaysan ay sidoo kale dileen nin darawal ka ahaa mid kamid gaadiidka ay leedahay shirkada Yaasmiin ee u kala socdaasha gobolada Bariga Somaliland iyo Maamulka Puntland.

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here