Arimaha Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha In La Siyaasadeeyo Ma Wanaagsana – Qalinka: Amiin Cabdilaahi Xaashi

0
1230

Dhalinyaradu waa lafdharta Dalka waana qaybta ugu badan bulshada. Waxaan Hambalyo iyo Dhiirigalinba hawada u marinaynaa Dhamaan Dhalinta Ciyaaraha iyo Kooxaha kala duwan ee  Nasiibka u yeeshay in ay ka mid noqdaan Tartanka FA Somaliland kaasi oo laga bilaabay Caasimada Hargeisa.

Waxa kale oo aan Hambalyo u diraynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay Suuro galintiisa in uu Tartankaasi furmo.

Iyadoo hadaba dhalintu ay la tacaalayso Shaqo la’aan baahsan iyo Tartano la’aan baahsan oo ka jirta dhamaan Gobolada Dalka, Tahriib, Shaqo la’aan iyo Wacyigalin la’aan taasi waata manta sababtay in ay Dhalintii ku kacaan dhaqamo xun xun oo aan hore Dalka uga dhicin.

Dhacdooyinkii ugu danbeeyay waad kawada dharagsan tihiin,Gawaadhi la xaday, Masaajid dadkii oo cibaadaysanaya loogu galay, Mobililo la boobo oo hablaha iyo inta jilisan wadooyinka loo galo.Waxaas oo dhami waxay ka yimaadeen dhalintaas faraha ka baxaday ee aan loo samaynin Barnaamijyo lagu Wacyi galinayo laguna mashquulinaya inta ka soo hadahy wakhtigoo waxbarasho.

Hadaba, inagoo waxaas oo dhan og ayaa mantana Xildhibaano wakhtigoodii dhamaanday dantooda eeganaya mooyee oo waliba sharcidaro ku fadhiya ay Bulshada Marin habaabinayaa oo ay leeyihii. Hanti ayaa la’lunsaday.

Su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay Maxaa manta keenay in arintan la buunbuuniyo oo Xisaabihii  2016 kii  ee wakhtigii dawladii hore la yidhaahdo hanta ayaa la lunsaday, waa maxay sababta mudo laba sano ka dib la yidhaahdo hadaan la hadlaynaa ee looga hadli waayay wakhtigii Dawladii hore joogay.

Maxaase hawlaha dhalinyarada Tabaruca Dalkooda iyo Carrrutadaba ugu shaqaynaya loo siyaasadayanayaan, loona marin habaabinayaa bulshada iyadoo Golaha Baarlamanka looga fadhiyay hawlo intaa ka badan.

Amiin Abdilahi Hashi

Hargeisa,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here