Hargaysa, (HargeisaPress) —Wiil dhalinyaro ah oo dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland isla markaana uu dalka Imaaraadka Carabtu kasoo caydhiyey tartankii Quraanka Kariimka ahaa ee ka socday magaalada Dubai isla markaana ay ka qayb galeen in kabadan 112 dal ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Ardaygan oo lagu magacaabo Ismaaciil Cumar Madar ayaa markii uu soo gaadhay caasimada Hargeysa waxa uu garoonka diyaaradaha dhexdiisa kaga dhawaajiyey inuu  ku tartamayay magaca Somaliya oo uu ahaa arday ka socda Somaliya.

Ardaygan ayaa sheegay in lagu soo caydhiyey sababna ay u ahayd in Dubai laga soo saaro  kadib markii ay Somaliya diiday inay xidhiidhka u jarto dalka Qadar oo ay go’doomiyeen wadamo Khaliijka kamid ah isla markaana ay dhex ka noqotay khilaafka Diplomaasiyadeed ee ka dhex qarxay wadamada Khaliijka.

Wiilkan dhalinyaradan ayaa sheegay in aanay ka caajisayn dadaalka ay ugu jiraan kor u qaadida magaca Somaliyeed,waxaana uu sheegay in uu markii hore ku baxay magaca Somaliya oo aanu ku baxin magaca Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in ay la safatay xulufada ay hogaaminayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku,waxaana ay sheegeen inay xidhiidhka u jareen dalka Qadar,ilaa hadda lama garanayo talaabada ay xukuumadda Somaliland ka qaadi doonto ardaygan ku tartamayey magaca Somaliya ee Hargeysa kasoo dagay.

HargeisaPress News Desk — Hargeisa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here