Aqoonyahan Khadar Maxamed Faarax Caynaashe Oo Ku Dhawaaqay Inuu U Sharaxan Yahay Doorashada Golaha Wakiilada Ee 2019

0
1556
Aqoonyahan Khadar Maxamed Faarax Caynaashe

Hargeysa, (HargeisaPress) —Aqoonyahan  Khadar Maxamed Faarax Caynaashe  oo kamida Aqoonyahanka reer Somaliland ee dalka dibadiisa wax kusoo bartay oo horaantii sanadkii 2014 magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Doorashada Golaha Wakiilada ayaa maanta mar labaad kaga dhawaaqay magaalada Toronto ee dalka Cannada.

Musharax  Khadar Maxamed Faarax Caynaashe  oo kamida qurbajooga reer Somaliland ee dalka Cannada ayaa mudooyinkii u danbeeyey kamid ahaa masuuyinta sare ee Xisbiga Waddani ujooga dalka Cannada isagoo isla markaasina ahaa xubnaha ugu firfircoon Siyaasiyiinta da’yar ee reer Somaliland ee dalkaasi Cannada ku nool.

Musharax   Khadar Maxamed Faarax Caynaashe oo madashii uu kaga dhawaaqayey Mushaxnimadiisa ka hadlaayey ayaa waxa uu xusay inuu yahay nin dhalinyaro ah waxna bartay islamarkaasina kasoo jeeda qoys maal-qabeena oo Somaliland laga wada-yaqaan isla markaasina aanu u socon inuu xilkan uu isusoo sharaxay maal iyo magac midna ka tabcado balse uu u socdo sidii uu nidaamka Siyaasadeed ee dalka wax uga bedeli lahaa isla markaana bulshada u tusi lahaa awooda ay leeyihiin dhalinyarada dalka wax u baratay ee ay ku dul maamulayaan odayaal da’a iyo kuwo aan aqoon ku filan hogaamina dalka lahayn oo la ambada xilka iyo xasaanada bulshadu u dooratay.

Musharax  Khadar Maxamed Faarax Caynaashe  ayaa gabagabadii waxa uu Xukuumada iyo Gudida Doorashooyinka Qaranka usoo jeediyey inay si wada-jira uga shaqeeyaan sidii ay doorashada Golaha Wakiilada sida ugu haboon ugu qaban lahaayeen waqtigii u qoondaysnaa isla markaasina inta ka hadhsan waqtiga doorashada laga shaqeeyo sidii loo dhamaystiri lahaa dhamaan caqabadaha ku dayran qabashada doorashada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here