Aqoonyahan Khadar Cabdilaahi Oo Bogaadin Iyo Tallo Soo Jeedin U Soo Jeediyay Guddoomiyaha Cusub Ee Dallada SONYO

0
1150
Aqoonyahan Khadar Cabdilaahi Maxamed

Hargeysa,(HargeisaPress) —Aqoonyahan Khadar Cabdilaahi Maxamed oo Hambalyo iyo bogaadin udiray Gudoomiyaha Cusub ee loo doortay Dallada Ururada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo.

Khadar cabdilaahi oo dhambaal isugu jiro Hambalyo, Dhiiri galin iyo Talo siin soo gaadhsiiyay Shabakada HargeisaPress waxanu u qornaa sidan:-

Anigoo ah Khadar Cabdilaahi Maxamed waxaan Hambalyo iyo bogaadin udirayaa Gudoomiyaha Cusub ee loo doortay Dallada Ururada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo Cabdicasiis Siciid Saalax.

Sidoo kale khadar cabdilaahi  ayaa ugu horeyn waxa uu urajeeyay Gudoomiyaha cusub  in xilkaa culus uu Eebe lagarab galo, hasa yeeshe khadar cabdilaahi  waxa uu fariin uu dirayaa golaha Sarre ee cusub isagoo usoo jeediyay iney la shaqeeyaan gudoomiyaha cusub si loo gaadho himilada iyo wax kaqabashada howlaha baaxada leh ee horyaala, gudoomiyaha cusub wuxuu usoo jeediyay in uu la shaqeeyo saaxiibadiisa ka midka ah golaha sideedaad, waxa kale oo u soo jeediyay in isaga iyo xubnaha golaha sare si fiican ula shaqeeyaan agaasimaha iyo shaqaalihiisa si ay u fududaato wada shaqaynta golaha sare iyo agaasinka xafiisku.

Aqoonyahan khadar cabdilaahi waxa kale oo uu  muujiyay in gudoomiyaha cusub yahay shaqsi kuhaboon qabashada xilkaan isla markaana khibrad uleh hawsha loo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here