Aqoonsiga Maraakiibtu Waa U Muhiim Ammniga Dekaddaha

0
1151
Somaliland-Coast-Guard

Hargeisa —Dokumentiga warbixineed ee maraakiibta ama doonyaha iyo habka raadinta iyo badbaadintu, waa laba tiir ee ugu muhiimsan habka lagu sugo dakaddaha adduunka, iyada oo ay jiraan maraakiib si sharci daro ah ugu kala goosha baddaha iyaga oo aan sidan wax sharci ah iyo iyaga oo baddela aqoonsiga iyo warbixinta maraakiibta, waxaanay ku dhajiyaan magacyo been ah ama calan aan ka turjumayn sifaha dhabta ah ee weelka ay ku ganacdsanayaan, iyaga oo sida shixnad ama alaab aan sharci ahayn iyo inay si sharci darro ah uga kaluumaystaan baddaha ay ku sugan yihiin. Waa arrinta labaad ee, waxa jira inay masiibooyin ka dhacaan badda, iyadda oo meesha ay ka maqan tahay faham la’aanta iyo dabaqaada dhinaca aqoonta habka loo raadiyo loona badbaadiyo weelka ku dhex qaraqma badda dhexdeeda. Hadddaba cilmiga wacyi-gelinta culuunta badda, ayaa ah arrinta kaliya ee lagula tacaali karo sidii loo badbaadin lahaa dhammaan dhaqdhaqaaqyadda la xidhiidha khayraadka baddaha.

Bishii hore, ayaa magaalo-xeebeedka Berbera, waxa ka bilaabmay tababar wax-qabad iyo afkaar la xidhiidha habka loo sugo dokumentiyadda warbixineed ee maraakiibta iyo waliba habka loo raadiyo loona badbaadiyo weelka ku dhex qarqooma badda, halkaas oo tababarayaal ka socday EUCAP iyo EUNARVOR ay tababar ku siiyeen 15 xubnood oo ka socday ciidamadda illaaladda xeeebaha Somaliland.

“Waxaan filayaa, inay muhiim tahay sidii Ciidamada Illaaladda Xeebaha Somaliland kor loogu qaadi lahaa dhinaca awoodaynta sharci ee baddaha iyo is waafajinta xeerka cusub ee dhawaan loo ansixiyey Ciidamada Illaaladda Xeebaha Somaliland,” ayuu yidhi Georg Guentelberg, oo ah madaxa sarre ee xafiiska EUCAP Hargeisa ahna La-taliye sarre oo dhinaca baddaha . “Tababarka lagu qaadan doono markabka dushiishu, kaliya waa mid ku saabsan sidii loo fahmi lahaa habka loola tacaalo maraakiibta aan sidan wax dukumenti sharci ah iyo sidii dekadda loogu soo xidhi lahaa si nabadgelyo leh. Arrintan waxay Ciidamadda Illaaladda Xeebaha Somaliland ka caawin doonta sidii ay u horumarin lahaayeen doorka ay ka qaadan karaan iyo kaalinta dhinaca sugidda ammniga iyo nabadgelyadda dekadda Berbera iyo nawaaxigeedabaa, iyadoo la dhaqangelinayo sidii sharciga lagu hubinayo maraakiibta ama doonyaha ku soo xidhanaya dekedda Berbera,” ayuu hadalkiisii ku gebogebeeyey Guentelberg.

Waxa kale oo intaa dheer, badda Berbera waxaa ka socdey ka socday tababar dhanka raadinta iyo badbaadada, halkaas oo ka qaybgalayaasha tababarka lagu baray habka loo raadiyo maraakiibta, iyadoo la adeegsanayo qalabka loogu talogalay in lagu raadiyo doonyaha ku sugan marin-biyoodyadda, taasoo si rasmi ah looga hagayo qolka hawlgalka ee saldhiga ciidamadda Illaaladda Xeebaha Somaliland ee ku yaal Berbera.

Sidoo kale, waxa Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa lagu tababaray habka badbaadinta marku qof ku qaraqmo badda ama Markab ku deggo badda. xil`igii lagu guddo jiray tababarka ayaa Saraakiisha hawshan u xilsaarnayd ay muujiyeen sida ay u fahamsan yihiin habka badbaadada iyada oo ay u dheerayd adeegsiga khibradda iyo kor u qaadida awooda looga baahan yahay cilmiga raadinta iyo badbaadinta.

Muhiimadda ugu weyn, waa sidii loo heli lahaa deegaan badbaado iyo ammaan u ah dadka iyo maraakiibtaba islamarkaasna u dammaanad qaadaysa inay si nabadgelyo ah ugu soo xidhaan dekadda, illaladda dekkaddana kor loogu qaado lana waafajiyo nidaamka sharci ee caalamiga ah. Wadaagida macluumaadka la xidhiidha maraakiibta ku soo xidhanaysa ama ka sii baxaysa dekadda Berbera, ayaa muhiim u ah isu-dubaridka wadashaqeyneed ee u dhexeeya dalalka, si door looga qaato la dagaalanka tahriibka iyo kaluumaysiga shari-darrada ah iyo in deegaanka badda laga dhigo mid nabdoon oo ammaan ah.

Hussein Maygaag

Documentation of vessel identity determines the safety of ports

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here