AQOON UGUB AH IYO DAREEN CURDIN AH (RUN & RAJO)

0
2444

aqoon ugub ah iyo dareen curdin ah (RUN & RAJO)

Safarka dheer ee guushu talaabo ayuu ka bilaabmaa waxaa isku xidha kolba cidii alle ku simo nolosha waayaheeduna marba meelbay taagan tahay “Raise and Fall” Duruufahaasi baaxaa dagaya  waa nolosha tiirka dhisa waa muraayada kaliya ee mustaqbalka dawo u ah waa macaan hadana waa qadhaadh ilaa aad isku xidho mala-awaalkaaga fog iyo mida waaqiciga ah ee kula noolna waxba kuu suurta galimaayaan.

“Seeing and Being” qoraaga Stephen R. Covey bugiisa The 7habits of highly effective people mawduucyada uu ka kooban yahay ayay labadan kalmadood kamid yihiin, waxaan maqli jiray weedhan   “ xikmadu china haday taalo raadso waa Muslimka baadidiisa ” “Seeing and Being” aragtida ama sawirka wanaagsan ee mustaqbalka iyo fahanka nolosha waaqiciga ee kugu xeeran sidii lagu maarayn lahaa ayuu mawduucani taabanayaa,nuxurka mawduucani wuxuu odhanayaa “We can’t go very far to change our seeing without simultaneously changing our being” Sawirka wanaagsan ee mustaqbalka kama gaadhi karno isbedel la taaban karo hadii aynaan xaalada waaqiciga ah ee aynu ku jirno wax ka baddalin”.

Sheekadii Sirxan iyo Jabhadii SNM sheekadani macno wayn ayay ku fadhidaa bal in yar dhugo Nin masuul ah oo qurbaha ka yimid ayaa Ciidamadii Jabhadii SNM guuto ka mid ah looga dhigay hogaan xili saq dhexe oo guuro ay ku jiraan ayaa ciidan tirro badan oo Ciidan Dawladii caskariga ahayd Saed barre ayay soo dulmareen wuxuu amray ninkii masuulka ahaa in shanqadha la yareeyo qorina aan la ridin laakiin Sirxan oo iska daalanbay ka fakatay halkiibaa xabadu isdhaaftay markii la isu soo noqday ayuu masuulkii yidhi waan is casilayaa maadaama falkaasi dhacay ciidankiina waxay ku yidhaahdeen WAREEJI SIRXAN NOOGU DHIIB
Aqoonkasta lahaw hadii aanad waaqica la shaqayn adaa cirka roob ku og Seeing and being

Qoys wanaagsan oo kalgacal dhexyaalo,ubad saalixa oo runta iyo beenta kala yaqaana ,aqoonyahan aragtidiisa iyo hab fikirkiisu dhisan yahay dariiq wanaagsana haya, ,siyaasi muwaadinimo ka muuqato oo sixi kara ama u halgami kara danta dalkiisa, bulsho isjecel oo isgarabsata,si fudud laguma helo ee waa la tabcadaa loo safraa,ordaa,samara,halgan loo gala.

Dhaliisha lagu nafiso dhib ayaynu kala kulanay waqtina way inaga qaadatay waayo waxay u badantahay wax xaqiiqadeena aan ka turjumin, afkaarta aynu aaminsanahay kuma wada qanacsanin,guusha islama jeclin,nolosha kalinimada ayaynu ka jecelnahay,wanaagana adigaa isla jecel ,ganacsiyada,xirfadyahanka,aqoonyahanka,salaadiinta, nina ninkale hal wanaagsan uma odhan karo way isu wada dulman yihiin.

“Caagada Badhbaa madhan iyo caagada qaybaa buuxda” odhaah ahaan way kala caafimaad badan yihiin caagad biyo ku jiraan badhbaa madhan ayaynu lasoo boodaynaa,GURRAC baynu usoconaaye ma ila socotaa isgoyskii xero awr ha igaga hadhin meel uunbaynu tagiye

Xalka Aqoonta iyo Aqoonyahanka:

Aqoontu waa huga qofka dhisa waa haanta hiilka safarka dheer,waa hubka jaahilka iyo faqrigaba lagula dagaalamo, waxay wax ku noqotaa marka ay noloshaada xalkeeda ku salaysan tahay,aqoontu waa sancada maarayn kartaa jogtadaada iyo ta mustaqbalkaagaba, mar waxay kaa dhistaa maanka iyo hab fikirkiisa marna waxay kuu dhistaa macaamilkaaga sanco ee aduun,waxaa lagu jaangooyaa xikmad iyo akhlaaq teeda ugu wanaagsan ee diintenu ina farayso.

50 sanno ee udanbeeyay waxaa soo ifbaxay horumarinta awooda waxsoo saarka fikirada biniaadanka si loo helo Ilo dhaqaale oo fursad siiya dadka(Human centered Economy) sida adeegyada,badeecadaha, xidhiidhka dadwaynaha (services ,cars ,goods and so on ) tusaale ahaan wadamadda China,india Japan,Singapore,Taiwan,malasia waxay horumar balaadhan ka sameeyeen kor uqaadida aqoonta casriga ah si ay dhaqaale iyo fursaddo ugu abuuraan aduunkana la jaanqaadaan waxaanay gaadheen in wadamada soo koraya maalgashiyo ka samaystaan sida  qaaradan Africa Waxaa kor loo qaaday loo qaaday xirfadaha biniaadanka (innovation) saddex qaybood ayaa muhiim u ahaa in tayada  dadka kor loo qaado :-

  • Aqoonta (knowledge):

Aqoon tayo leh oo Xirfaddo kala duwan  wax cusub abuuri kara iyo in kor loo qaado aqoonta xirfadaha sida engineering, medical professionals , R&D(Research & Development),Safarka dheer ee guushu talaabo ayuu ka bilaabmaa .

  • Curin (creativity):

Curinta wax cusub iyo midaynta afkaaraha kala duwan ee wax lagu Alifo .

  • Dhiirigallin (Motivation):

Sidii qaab cilmiyaysan dadka hamigooda kor loogu qaadi lahaa .

Bulshadeena dhaqan ahaan waa dad qaab qabaail u dagan badanaana waxyaabaha inna mideeyaa waa mabaadiida reernimo oo aan intay soomaali jirtayba guul aan ka gaadhin oo u baahan si xirfadaysan oo cadaalad ah uga gudubno.Aqoonta dadkeena tayadeedu way hoosaysaa waxbarashaduna waxay ubaddan tahay cilmiga arts-ka iskuulada Iyo jaamacaduhuba way yar yihiin in soo saaraan dad xirfadlayaal ah (skilled) .

Intermediate,Primary,Secondary  20 sanno in ka badan ayaan usocday ulugeeyay sawir ahaan waxay ii ahayd goob lagu far barto koriinkayguna sida caadiga ah ayuu waqtigiisa la socday balse in fikirkaygu koro way adkayd muhimadda iigu waynaydna waa imtixaanka baas,maan ogayn noloshayda xaadirka ahayd xiligaa iyo ta mustaqbalkaygaba inay xalkeedii ku jiro,maantana sidii si lamid ah ayuu ilmahaygii ugu jiraa safarkii siloonaa ee soolane,aduunka tagay wuxuu isku xidhay Agriculture to Ipads. Aqoonyahan,siyaasi,waalid,iyo suldaan-ba maxaynu ka rabnaa badhax xaalku ka weyne?

“Seeing VS Being”

W/qoray Ahmedyasin Sh cumar Ahmed Fure

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here