Aqoon-korodhsi loo Furay Shaqaalaha Nadiifiyeyaasha ka ah Xarumaha Hay’adaha Dowliga ah ee Somaliland + SAWIRRO

0
946

Hargeysa,(HargeisaPress) —Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland, ayaa tababar u bilawday shaqaale-hoosaadka qaabilsan dhinaca nadaafadda iyo bilicda ee ka hawlgala xafiisyada xarumaha dowladda, iyadoo ay tahay markii u horaysay ee tababar noocan ah loo qabto shaqaalaha nadiifiyeyaasha ah.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Maanta, shaqaalahan nadiifiyeyaasha ah ee tababarka aqoon-korodhsiga ah u furmay waxa la bari doonaa qaababka ugu habboon ee loo ilaaliyo nafaadda, isla markaana looga hawlgalo xafiisyada xaasaasiga ah ee Hay’addaha dowliga ah.

“Shaqaalaha ka hawl-gala bilicda iyo nadaafadda xafiisyada Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa loo qabtay kulan hawleed kor loogu qaadayo xirfadooda iyo farsamooyinka ay ku shaqeeyaan. Tallaabadan ayaa imanaysa kadib markii la ogaaday in marnaba tan iyo intii ay shaqada bilaabeen aanay helin tilmaan iyo xirfad-kordhinba.

Tababarkan ayaa inta uu socdo laga dhisi doonnaa dhinacyo kala duwan oo kaabi kara xirfadooda shaqo, iyadoo sida oo kalena tilmaan laga siin doonno sida loo nadiifiyo xafiisyada xaasaasiga ah iyo hannaanka waraaqaha muhiimka ah looga ilaaliyo in la dayaco ama daadiyo xiliga nadaafadu socoto.

Ka sakow tababarkan, shaqaale-hawleedka qaybta nadaafada ayaa kulankani u yahay qiimayn iyo qadarin u gaar ah oo ay mudan yihiin in ay helaan sida cid walba u hesho kulamo iyo kocbcin intaba.

Shaqaale-hawleedka Dowladda ayaa ah kuwa haya shaqada ugu hawsha badan, isla markaana waxaa hubaal in ay mudan yihiin habayn, haybad iyo hayn-kordhin intaba,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland.

Geesta kale, tabobarkan oo la soo xidhay shalay, waxa ka qaybgalay ilaa 110 haween ah oo ka mid ah shaqaale-hawleedka xafiisyada hay’adaha dowliga ah, iyadoo ay tababarkan iska kaashadeen Hay’adda Shaqaalaha Dowladda iyo Dalladda Haweenka Somaliland ee Negaad.

HargeisaPress News Desk- Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY