Aqoon-darraa Qaadday Masuuliyiinta Shanta TV Ee Sheegay inay Kalsoonida Kala Noqdeen Guddoomiyaha SOLJA! Weriye Xuseen Xarbi

0
893

Hargaysa Waxaan arkay War ay soo saareen shan xubnood oo mulkiileyaal iyo maamulayaal ka kala ah shanta TV ee Saab TV, Somnews TV, Bulsho TV, Universal TV iyo Horyaal24 TV. Waxay warka ay soo saareen ku sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

 

Inkastoo aanay caddayn diidmadooda rasmiga ah iyo doonistooda toona, haddana waxay ku soo koobeen saddex qodob oo kala ahaa; inuu GuddooXubnoa Solja Xuuto ku diiddan yihiin, waxay ugu yeedheen; “Gef iyo deel-qaaf uu caadaystay, inuu baalmaray shaqadii ururka ee loo igmaday iyo inaanu ka shaqaynayn dantii saxaafadda iyo sharciyaddii ururka SOLJA”.

Haddaba, waxay is-weydiintu tahay muxuu sameeyey Guddoomiyaha SOLJA ee ay ku diiddan yihiin? Haddaynu qormadan kaga jawaabno, waxa weeye; maxaad u cambaaraysay haddaad Guddoomiye Xuuto tahay ee aad ugu taageeri weyday gefk iyo sharci-darrada anshaxa Saxaafadda iyo dhaqanka suubban ee Weriyaha ka baxsan ee uu ku kacay Mulkiilaha Saab TV Cali Axmed Raabbi (Cali-Seenyo) oo dhawaan Ciidanka ammaanku u diideen inay isaga iyo xubno reer Jabuuti ahi ka soo gudbaan xadka ay Somaliland iyo Jabuuti wadaagaan ee Lawyo-caddo.

Iyada oo ay is-weydiin mudantay sababta loo diiday Cali-seenyo iyo xubnaha la socday hadday sharciga mareen siduu isagu sheegay, haddana wax kasta oo taas laga odhan lahaaba, waxa uu ku kacay wax aad u fool-xun, ka dib markii uu si qaawan oo cadho iyo caaddifadi ka muuqato u aflagaaddeeyey Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal oo uu bar madoow iyo gudcur aqoon-daran oo Booliska u taliya ku sheegay iyo Taliyaha laanta Socdaalka oo uu ku tilmaamay nin shaqadiisii uga cabsoonaya Taliye Fadal iyo weedho kale oo aflagaaddo ah.

Arrintaas ayuu Guddoomiyaha SOLJA Mr. Xuuto ka hadlay, isla markaana uu sheegay inay ka xun yihiin in Suxufi Cali-Seenyo oo muwaaddin ah, hadduu sharciga socdaalka buuxiyey in loo diido inoo Somaliland soo galo, isla markaana ay baadhayaan sababta dawladdu sidaas u samaysay. Hase-yeeshee, ay sidoo kale ka xun yihiin, cambaaraynayaanna tallaabada cadhadu ka muuqato ee uu Cali-Seenyo kaga jawaabay dhacdadaas, oo ka baxsanayd anshaxa saxaafadda oo dhigaya inaan weriyuhu qalinka iyo kamaradda toona ku aargoosan, isagoo cadhaysanna aanu waxba tebin. Haa waa waajib saaran Ururka SOLJA inuu difaaco Weriyeyaasha iyo Warbaahinta Somaliland.

Siduuse u difaacayaa? Wuxu u difaacayaa marka laga gardaran yahay Weriyeyaasha iyo Warbaahinta waa inuu u doodaa, cidda ka qaldan muujiyaa, hadday illaa heer maxkamadeed tahay garab-taagnaado. Haddiise ay qaldan yihiin miyuu taageerayaa? Maya maya! Waa inuu markaasna difaacaa oo uu ku difaacaa jidka toosan inay maraan oo ay ka joogsadaan qaladka.

Sidaa daraaddeed, Xuuto ceeb ma samayn ee wuxu u nasteexeeyey, isla markaana difaacay sharafta, karaamada, anshaxa iyo sharciga saxaafadda Somaliland oo aan oggolayn in Suxufiyiintu ku kacaan anshax-xumo. Hase-yeeshee, hadday Xubnaha Shanta TV doonayaan in sax iyo qaladba lagu taageero, iyaga ayey ceeb ku tahay inay xumaanta taageeraan, wanaaggana ka soo horjeestaan.

Sharciyan haddaynu u eegno guddoomiye urur cidda kalsoonida kala noqon kartaa waa cidda doorata oo ah, Xubnaha Guddiga fulinta ee ururkaas. Guddoomiyaha SOLJA ee ay yidhaahdeen kalsoonidii baannu kala noqonnay, waxa sharciyan kalsoonida kala noqon kara, marka ay caddaato eedaymaha sharcigu dhigayo inuu xilkiisa ku waayi karo, Xubnaha Guddiga fulinta ee Solja oo ka kooban 15 xubnood oo Xuuto guddoomiye u sii doortay, ka dib markii Shirweynihii shanaad ee SOLJA lagu soo doortay, cidda soo dooratayna maaha mulkiilayaasha tvyada ee waa Weriyeyaasha ama suxufiyiinta, maaddaama oo uu ururku u taagan yahay weriyeyaasha.

Hase-ahaatee, xubnahan warka soo saaray ee shanta tv- mulkiileyaasha iyo maamulayaasha ka ahi, waxay xaq u leeyihiin inay sidooda uga hadlaan waxay diiddan yihiin ama doonayaan, laakiin xaq uma laha inay iska hadlaan, ee waa inay ilaaliyaan sharciga, sharafta iyo anshaxa suubban ee Warbaahinta iyo Weriyeyaasha.

Waxa nasiib-darro ah, in xubno aan weli ka qaybgelin shirweyne ururka SOLJA leeyahay oo aan weriyeyaal ahayn marka laga reebo Kayse Axmed Digaale oo isaga caaddifadi qaadday; inay sidan aqoontu ka madhantay ula hadlaan guddoomiye Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo aanay kalsoonina siin karin, kalana noqon karin iyagu sharciyan.

Haddaba, waxaan kula talin lahaa xubnahan oo kala ah Cali Faarax Xarbi oo Bulsho TV leh, Kayse Axmed Digaale oo Maamul ka ah Saab tv, Maxamed Axmed Cali oo Somnews tv leh, Maxamed Koodhaadhi oo Star tv leh iyo Maxamed Caabbi oo maamule Somaliland uga ah Universal tv, inay qaladkooda saxaan, isla markaana raalligelin siiyaan xubnaha SOLJA ee Sharcigu awoodda kalsooni kala noqoshada ama xil-ka-qaadista guddoomiyaha iyagu leh oo cid kale oo la wadaagtaa aanay jirin oo aan u arko inay ku gefeen.

Waxaan kula talin lahaa oo kale inay daawadayaashooda iyo Saxaafadda Somaliland-ba ka raalligeliyaan qaladkooda, inay wanaagga taageeraan oo ay Mulkiilaha qaldamay ee la saxay xumaanta iyo qaladka uu sameeyey aanay ku taageerin, maaddaama oo ay leeyihiin qaar ka mid ah muraayadaha ummadda wax looga sheego, waa inaanay taageerin in ummadda waxaan raalli gelinayn oo sharciga ka baxsan loo baahiyo.

QALINKII WARIYE XUSEEN XARBI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here